HomeWararSawirro:-Shirkii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad goboleedyada oo Warmurtiyeed laga soo saaray

Sawirro:-Shirkii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad goboleedyada oo Warmurtiyeed laga soo saaray

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Shirarkii wadatashiga ahaa ee ka socday magaalada Garoowe kuwaas oo u dhexeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada dalka ayaa ku soo idlaaday isfaham iyo in laga wada shaqeeyo danta guud. Kulamadan ayaa lagu lafa-guray hagaajinta xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, iyada oo diirrada lagu saaray […]

- Advertisement -

Shirarkii wadatashiga ahaa ee ka socday magaalada Garoowe kuwaas oo u dhexeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada dalka ayaa ku soo idlaaday isfaham iyo in laga wada shaqeeyo danta guud.

Kulamadan ayaa lagu lafa-guray hagaajinta xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, iyada oo diirrada lagu saaray sidii looga gudbi lahaa kala aragti duwanaanshaha u dhexeeyay labada dhinac, waxaana la isku raacay in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka ummadda.

- Advertisement -

“Waxaan bogaadinayaa kulamadii miradhalka ahaa ee maalmahan nooga socday Garoowe, waxaana uga mahadcelinayaa dhammaan madaxdii ka qayb qaadatay biseylka ay muujiyeen iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inaan hore u dhaqaajinno geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya oo u baahan midnimo, wadatashi, isu-tanaasul iyo wax wada qabsi.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu intii kulanku socday soo jeediyay in shirka kan xiga ay martigeliso magaalada Garoowe bisha Maarso ee sanadkan si loo dardargeliyo hawlaha hortabinta u leh dowlad dhisidda Soomaaliya, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland sida wanaagsan ee uu uga qayb qaatay qabsoomidda iyo marti-gelinta shirarkan wax ku oolka ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa maanta kulamo gooni gooni ah la yeeshay Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo kamid ah isimada dhaqanka Puntland isaga oo ku ammaanay kaalinta duubabka dhaqanka ee Puntland ay ka qaateen dib u heshiisiinta iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa inta uu Garoowe ku sugan yahay waxa uu kulammo la yeelanayaa qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland si uu u dhegaysto aragtiyahooda iyo talooyinkooda ku aaddan dib u dhiska dalka iyo dib u heshisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Latest stories