HomeCaalamkaCiyaartoy ka socota dalka Eritrea oo Muqdisho kusoo wajahan,kadib codsi….

Ciyaartoy ka socota dalka Eritrea oo Muqdisho kusoo wajahan,kadib codsi….

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Xoghayaha Guud ee Xiriirka K/Cagta ee Qaranka Eritrea, Mehari Hidru Tesefaay ayaa xaqiijiyey inay oggolaadeen Casuumaad ay X.S.K.C. ku codsadeen inay Ciyaartoyda K/Cagta Eritrea ee ay da’doodu ka hooseyso 20-jirka booqasho ku yimaadaan magaalladda Muqdisho, si ay ciyaar saaxiibtinimo ula yeeshaan dhigooda dalka Somalia. Qoraalka uu Xoghayaha Guud ee K/Cagta Eritrea u soo diray X.S.K.C […]

- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee Xiriirka K/Cagta ee Qaranka Eritrea, Mehari Hidru Tesefaay ayaa xaqiijiyey inay oggolaadeen Casuumaad ay X.S.K.C. ku codsadeen inay Ciyaartoyda K/Cagta Eritrea ee ay da’doodu ka hooseyso 20-jirka booqasho ku yimaadaan magaalladda Muqdisho, si ay ciyaar saaxiibtinimo ula yeeshaan dhigooda dalka Somalia.

Qoraalka uu Xoghayaha Guud ee K/Cagta Eritrea u soo diray X.S.K.C waxa uu kaga soo jawaabay codsi ay Xiriirka Somalia u soo direen bishan Janaayo 22-da, si ay labada dhinac u yeeshaan Ciyaar niyad-wanaag, taasi oo xaqiiqdii ka turjumaysa Aragtida Hoggaamineed ee Labada Madaxweyne ee Somalia iyo Eritrea.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Ciyaartoyda K/Cagta Eritrea ee ay da’doodu ka hooseyso 20-jirka ayaa la filayaa inay Muqdisho u imaan doonaan Ciyaar saaxiibtinimo bisha soo socota ee Feberaayo 14-da ilaa 17-da, sida uu xaqiijiyey Xoghayaha Guud ee Xiriirka K/Cagta ee Qaranka Eritrea, Mehari Hidru Tesefaay.

Si kastaba ha ahaatee, Kulan-ciyaareedkaasi ayaa noqon doona Tartankii ugu horreeyey ee Heer Caalami ah oo lagu qabto magaalladda Muqdisho tan iyo burburkii Dowladdii Dhexe ee Somalia bilowgii sannadkii 1991-kii.

Latest stories