HomeCaalamkaSawirro:-Golaha Wasiirada oo War ka soo saaray burburinta Ciidanka Kenya ee Xarumaha...

Sawirro:-Golaha Wasiirada oo War ka soo saaray burburinta Ciidanka Kenya ee Xarumaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan Xarumaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, hawlaha muhiimka ah ee sannadkaan la doonayo in la qabto iyo hab-raaca heshiisyada Caalamiga ah. Shirka ayaa ugu horayn looga hadlay hal-beegyada afarta tubood ku jira ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan Xarumaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, hawlaha muhiimka ah ee sannadkaan la doonayo in la qabto iyo hab-raaca heshiisyada Caalamiga ah.

Shirka ayaa ugu horayn looga hadlay hal-beegyada afarta tubood ku jira ee wasiirradu ay ballan qaadeen in ay fulinayaan sannadkaan 2019, waxaana golohu isku raacay in sannadkaan uu noqdo sannad shaqooyin badan la qabto isla xisaabtankana la dardar-geliyo.

- Advertisement -

Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo teknoologiyadda XFS, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, ayaa intaa kadib goloha wasiirrada war bixin ka siiyay xaruma ay leedahay shirkadda Isgaaarsiinta Hormuud oo ay burburiyeen ciidanka Kenya.

Golaha ayaa isku raacay in dhibaatada xarumaha la gaarsiiyay looga hadlo kulan ay dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ku yeelanayaan magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Shirka golaha ayaa ugu dambayn dood dheer looga yeeshay hab-raaca heshiisyada caalamiga ah oo golaha uu usoo gudbiyay garyaqaanka guud ee dawladda.

- Advertisement -

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts