HomeCaalamkaSawirro:-Daacish-ta Somalia oo sheegtay in dagaalamayaal Ajaaniib ah laga dilay

Sawirro:-Daacish-ta Somalia oo sheegtay in dagaalamayaal Ajaaniib ah laga dilay

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Muuqaal Video ah oo ay Daacish-ta ka dagaalanta gudaha Somalia soo bandhigeeen ayaa lagu sheegay in dhowr Dagaalamayaal haysta Dhalasho Ajaaniib ah looga dilay dagaallo ka dhacay Deegaanadda Puntland ee W/bari Somalia.

Wargeyska Long War ee ka soo baxa Maraykanka ayaa soo bandhigay Sawiradda Dagaalamayaasha ka tirsan Daacish-ta Somalia ee la dilay, waxaana magacyadooda lagu kala sheegay:

- Advertisement -

1-  Yuusuf  Majeerteeni oo haystay dhalashadda dalka Knaada, isla markaana ahaa Dhakhtar, balse    Daacish ma aysan sheegin goorta la dilay iyo halka lagu dilay.

2-    Bashiir Abu Nucmaan

3- Maxamed Makawei Ibraahim Maxamed oo u dhashay dalka Sudan, kaasi oo ay Alshabaab horey u dileen dabayaaqadii sannadkii 2015-kii.

- Advertisement -

Dagaalamayaal badan oo ka tirsan Daacish-ta Somalia ayaa la dilay tan iyo sannadkii 2015-kii, sida ka muuqata Muuqaalka Video-ga ee ay soo bandhigeen.

Wargeyska Long War waxa kale oo uu qoray in Maleeshiyada ugu badan ee Daacish-ta Somalia yihiin  Soomaalida Deegaanka, balse waxaa Muuqaalka ka soo muuqday Dagaalamayaal kale oo u muuqday inay ka soo jeedaan Kilinka 5-aad ee Ethiopia ama dalka Jabuuti.

Dhinaca kale, Muuqaalka ay Daacish-ta Somalia baahiyeen waxaa ka muuqday Dagaalamayaal ku dabaalanaysay iyo kuwo ku ciyaarayey Xeebta iyo dhowr kale oo sheegaya inay daacad u yihiin Hoggaamiyaha Guud ee Ururka Daacish, Abu Bakar Al-baqdaadi.

Dhamaadka Muuqaalka Video-ga ee ay Daacish-ta Soomaaliya baahisay waxaa ka muuqda Weerar Is-qarxin ah oo bishii Feberaayo ee sannadkii 2017-kii ka dhacay Hotelka Village Hoteel ee magaalladda Bosaaso iyo Is-qarxin kale oo bishii Maarso ee  isla sannadkaasi ayla beegsaday Ciiddan ka Ammaanka Puntland ee ku sugnaa Bosaaso.

Latest stories