HomeCaalamkaAkhriso:-Maxaa sababay in Sheekh Shariif uu shaaciyo inuu mar kale u tartami...

Akhriso:-Maxaa sababay in Sheekh Shariif uu shaaciyo inuu mar kale u tartami doono xilka Madaxweynaha Somalia?

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Meta Oo Wajahaysa Dacwad $1.4 Tirilyan Ah

Shirkadda Meta ayaa maxkamad federaal ah kula kulmaysa 29 gobol oo Mareykanka ah, kuwaas oo ku eedeeyay inay Facebook iyo Instagram si ula kac ah uga dhigtay baro dhalinyarada ku dhejiya,

Trump Oo Sharciga U Arka Caqabad Ku Hortaagan Xil Saddexaad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxweynaha, balse uu qiray in sharciga Mareykanka uu arrintaasi caqabad ku yahay.

Trump oo si qarsoodi ah uga baxay Turkiga kadib hanjabaad Iran ah

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah uga baxay Turkiga isagoo raacay diyaarad militari oo kale,

Dhul-gariir 7.4 Ah Oo Burburiyay Cathedral-ka Manizales

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Colombia, iyadoo magaalada Manizales laga soo sheegay burbur iyo waxyeello soo gaartay Cathedral taariikhi ah.

Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran, Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi dhinacyo badan taabanayey oo uu siiyey Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi. Madaxweynihii hore waxa uu sheegay inuu doonayo inuu mar kale isku soo sharxo Xilkaasi, isagoo ah Murashax u tartami doona […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran, Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi dhinacyo badan taabanayey oo uu siiyey Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi.

Madaxweynihii hore waxa uu sheegay inuu doonayo inuu mar kale isku soo sharxo Xilkaasi, isagoo ah Murashax u tartami doona Xisbiga Himilo Qaran, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in la xoojiyo Hay’addaha Dowladda Somalia.

- Advertisement -

“Xisbiyadda siyaasadda ayaa ah dhabaha ugu wanaagsan ee hore u socodka Somalia” ayuu yiri Sheekh Shaariif oo dhinaca kale dhiirigeliyey in la ballaariyo Dib-u-heshiisiinta, isagoo kaashanayo Khibradiisa Diplomaasiyadeed.

Doorashada soo socota ee Madaxweynimadda somalia ayaa la filayaa in la qabto bisha August ee sannadka soo socda, iyadoo Sheekh Shariif uu horey doorasho adag la galay Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee DFS, Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga  doorashadii dhacday sannadkii 2012-kii ka guuleystay Sheekh Shariif oo xilligaasi Madaxweyne ahaa.

Wargeyska waxa uu qoray in Sheekh Shariif oo loo  yaqaano  Aabaha Soomaalida Casriga “The Father of Modern Somalia” waxa uu ahaa Madaxweynihii Dowladdii KMG Somalia muddadii u dhexeysay sannadihii 2009-kii ilaa 2012-kii.

Latest stories