HomeCaalamkaTahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo lagu xiray Turkiga

Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo lagu xiray Turkiga

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa sheegtay inay Ciiddanka Ammaanka qaadeen Hawlgal Guud oo lagu soo qabtay ugu yaraan 178 Tahriibayaal shisheeye ah. Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay in hawlgalkaasi laga sameeyey Goballo ku yaalla W/galbeed ee dalkaasi, iyadoo lagu soo qabtay Tahriibayaal si sifo aan sharci ahayn ku soo galay ama kaga sii […]

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa sheegtay inay Ciiddanka Ammaanka qaadeen Hawlgal Guud oo lagu soo qabtay ugu yaraan 178 Tahriibayaal shisheeye ah.

Ilo dhinaca Ammaanka ayaa sheegay in hawlgalkaasi laga sameeyey Goballo ku yaalla W/galbeed ee dalkaasi, iyadoo lagu soo qabtay Tahriibayaal si sifo aan sharci ahayn ku soo galay ama kaga sii baxayey dalkaasi.

- Advertisement -

Hawlgalka ay Ciiddanka Turkiga ka sameeyeen Gobalka Edirne  waxay ku soo qabteen 49 Muhaajiriin ka soo kala jeeday Somali, Pakistan iyo Afganistan, kuwaasi oo la socday gaari lagu tahriibinayey.

Ciiddanka waxay gaarigaasi ku joojiyeen waddo u dhexeysa Degmooyinka ENES  iyo UZUNKOPORU.

Waxaa kaloo Hawlgalkaasi lagu qabtay 4 qof oo Mukhalasiin ah oo tahriibinaysay Muhaajiriintaasi.

- Advertisement -

Hawlgalka Guud ee laga sameeyey guud ahaan dalka Turkiga ayaa la sheegay in lagu soo qabtay ugu yaraan 178 Muhaajiriin ka soo kala jeeday dalalka Somalia, Syria, Pakistan, Bangaladesh iyo kuwo kale.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga waxay sheegeen inay sannadkii hore gacanta ku dhigeen in ka badan 265,000 oo Tahriibayaal sharci-darro ah ku soo galay dalkaasi ama kuwo doonayey inay u sii tahriibaan dalka Giriigga iyo dalalka kale ee Europe.

Latest stories