HomeCaalamkaMuwaadin Somali-Maraykan feeray Siyaasi Caan ah oo la xanibay Baasaaboorkiisa

Muwaadin Somali-Maraykan feeray Siyaasi Caan ah oo la xanibay Baasaaboorkiisa

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Maxkamadda Makadara Law Courts  ee magaalladda Nairobi waxay ku gacan-sayrtay  in Baasaboorkiisa la siiyo Muwaadin Somali-Maraykan lagu magacaabo Jamaal Maxamed, kaasi oo loo haysto inuu Siyaasi Reer Wajeer oo lagu magacaabo Xuseen Maxamed horey ugu feeray Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi sannadkii 2017-kii. Jamaal Maxamed oo shalay la soo taagay Maxkamadda Makadara waxa uu codsaday […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Makadara Law Courts  ee magaalladda Nairobi waxay ku gacan-sayrtay  in Baasaboorkiisa la siiyo Muwaadin Somali-Maraykan lagu magacaabo Jamaal Maxamed, kaasi oo loo haysto inuu Siyaasi Reer Wajeer oo lagu magacaabo Xuseen Maxamed horey ugu feeray Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi sannadkii 2017-kii.

Jamaal Maxamed oo shalay la soo taagay Maxkamadda Makadara waxa uu codsaday in la siiyo Baasaboorkiisa, maadaama aan loo oggolayin inuu Aqoonsi la’aan ku dhex socdaalo Nairobi oo beryahan aad loo adkeeyey.

- Advertisement -

“Waxaan ka codsanayaa Maxkamadda inay sii daayaan Baasaboorkayga, sababo dhinaca Ammaanka ee daqiiqadan  ka jirta dalka Kenya”  ayuu yiri Eedeysanahaasi oo Codsigiisa u sii mariyey Qareenkiisa oo lagu magacaabo C/raxmaan Warsame.

Dhinaca kale, Garsoore Eunice Kimaiyo oo ka tirsan Maxkamadda Makadara waxa uu  ka gaabsaday Codsigaasi, iyadoo Eedeysanaha horey looga qaaday Baasaboorkiisa, kadib, markii ay Dacwad-oogayaasha ka digeen inay suurto-gal tahay inuu si qarsoodi ah  uga dhoofo Kenya.

Bilowgii dacwadda loo haysto ayaa waxaa shuruud looga dhigay inuu Baasaboorka ku soo wareejiyo Maxkamadda, si Damiin loogu sii daaayo.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Siyaasiga Dhibanaha ee  Xuseen Maxamed ayaa la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo khatar oo laga yaabo inuu ku naafoobo, sida lagu sheegay Warbixin Dhakhtar.

Siyaasigaasi waxaa ay dhawaacyadu soo gaareen, kadib, markii uu Jamaal Maxamed u gacan-qaaday xilli uu labadooda muran soo dhex galay bishii September ee sannadkii 2017-kii.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts