HomeCaalamkaMadaxweynaha Kenya oo Magacaabay xil dhaliyay Xiisad siyaasadeed

Madaxweynaha Kenya oo Magacaabay xil dhaliyay Xiisad siyaasadeed

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa digreeto uu soo saaray ku magacaabay Fred Matiangi oo ah wasiirka arrimaha gudaha in uu noqdo madaxa guddiga awoodda badan ee Mashaariicda Horumarinta Qaran.

Waxaa laga yaabaa in ay kula noqoto magacaabis sahlan, balse durba waxa ay abuurtay fulkaanooyin siyaasadeed oo qabsatay warbaahinta Kenya.

- Advertisement -

Saakay boggaga hore ee Jaraa’idka waxaa lagu soo toosay iyada oo ay ku qoranyihiin in xilka Matiangi loo magacaabay uu meesha ka saarayo mas’uuliyadihii madaxweyne ku xigeenka William Ruto oo isaga laftiisa hadal heyntiisa ay aad u badneyd dhawaanahan.

Xildhibaanka laga soo doorto degmada Keiyo South mudane Daniel Roho ayaa wargeyska Standard ku yiri “Waa arrin la yaab leh, sababtoo ah, dhammaan wasiirada waxa ay hoos tagayaan wasiir iyaga la mid ah”.

Golaha Mashaariicda Horumarinta waxaa ku wada jira dhammaan wasaaradaha, xeer illaaliyaha guud iyo madaxa shaqaalaha rayidka ah , waxayna hadda kadib toos u hoos tagayaan wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiangi , kaas oo si toos ah warbixinta ula wadaagi doona madaxweyne Uhuru Kenyatta.

- Advertisement -

Lama oga kaalinta madaxweyne ku xigeenka uu arrintan ku yeelanayo, balse waxaa muuqata in laga wareejiyay mas’uuliyaddo waaweyn oo miisaankiisa siyaasadeed kor u haysay.

Sida uu dastuurka Kenya qabo, madaxweyne ku xigeenka William Ruto ayay tahay in uu shaqada uga hooseeyo madaxweynaha, xilkiisana waa kormeer iyo hormuudka shaqada wasaaradaha.

Dhibka jira ayaa ah in golahan qaran uu ahaa mid horey u jirey, islamarkaasna uu hormuud ka ahaa madaxweyne ku xigeenka.

XIGASHO BBC SOMALI

Latest stories