HomeWararDad ku dhintay is rasaaseyn ka dhacday degmada Kaaraan

Dad ku dhintay is rasaaseyn ka dhacday degmada Kaaraan

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Dhimashada dadkaan ayaa timid kadib markii is rasaaseyn xoogan ay Maanta duhurkii Gudaha Suuqa degmada Kaaraan ay ku dhexmartay Ciidamada Maamulka degmada ee Suuqaas ku sugan iyo Koox burcad ah. Dad ku sugan suuqaas ayaa u sheegay Dalsan in is rasaaseynta ay timid kadib markii Koox burcad ay suuqaasi soo gashay,kuwaas oo horay Ganacsatada cabasho […]

- Advertisement -

Dhimashada dadkaan ayaa timid kadib markii is rasaaseyn xoogan ay Maanta duhurkii Gudaha Suuqa degmada Kaaraan ay ku dhexmartay Ciidamada Maamulka degmada ee Suuqaas ku sugan iyo Koox burcad ah.

Dad ku sugan suuqaas ayaa u sheegay Dalsan in is rasaaseynta ay timid kadib markii Koox burcad ay suuqaasi soo gashay,kuwaas oo horay Ganacsatada cabasho uga gudbiyeen,waxaana halkaasi ku dhexmaray dagaal.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay ilaa Saddex Ruux ayaa ku geeriyootay dagaalkaas,waxaana mudo daqiiqado ah hakad galay isku-socodka dadka iyo Ganacsiga.

Maamulka degmada Kaaraan weli kama hadlin dagaalkaas,hayeeshee degmada Kaaraan ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan Gobolkan Banaadir,hayeeshee bilihii u dambeysay isbedel laga dareemay.

Sido kale dadka ku nool degmada Kaaraan iyo Ganacsatada Suuqaas ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay ka cabanayeen Kooxo burcad ah oo hubeysan,kuwaas oo mararka qaar dhac ka geysta degmadaas.

Latest stories