HomeCaalamkaCiiddamo ka tirsan Nabad-ilaaliyaasha QM oo weerar lagu dilay

Ciiddamo ka tirsan Nabad-ilaaliyaasha QM oo weerar lagu dilay

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Ugu yaraan 10 Nabad-ilaalin  u dhalatay dalka Jaad ayaa geeriyootay, 25 kalena waa la dhaawacay, kadib, markii ay Maleeshiyo hubeysan weerar ku qaadeen Xarun ay Nabad-ilaaliyaasha QM ku leeyihiin Deegaanka AGULHOK oo kat irsan Gobalka KIDAL ee Waqooyiga dalka Maali.

Kooxda Alqaacidada ka dagaalanta Waqooyiga Afrika ee AQIM ayaa sheegatay weerarkaasi, iyagoo sheegay inay kaga soo horjeedaan Booqashadda uu Ra’isul-wasaaraha Israel, Beenjamiin Natayaahu ku joogo dalka Jaad.

- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu cambaareeyey weerarkaasi, wuxuuna ku baaqay in Maleeshiyadii weerarkaas geystay la hor keeno Sharciga.

Ergauga QM u jooga dalka Maali, Maxamed Saalax Alnadiif waxa uu weerarkaasi ku tilmaamay  fal Dembiyeed nacasnimo oo aad u xun.

QM waxaa dalka Maali ka joogo 12,000 Ciiddan iyo Bolis oo Hawlgal Nabad-ilaalin ah u jooga dalkaasi oo lagu tilmaamo goobaha ugu khatarta badan ee ay Nabad-ilaaliyaasha QM ka hawql-galaan.

Latest stories