HomeWararSawirro:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo balan qaad u sameeyay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed

Sawirro:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo balan qaad u sameeyay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Barlamaanka Cabdi wali Sheekh Ibraahim muudeey ayaa Kulan is Xog-wareysi ah La Qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo Laf dhabar u ah Hogaanka Bulshada Koonfur-galbeed.

Gudoomiyaha ayaa Warbixinno La Xiriirta Xaaladaha Koonfur-galbeed Ka Dhageystay Qaar Kamid ah Odayaasha iyaga Oo Ka Hadlay Arimahii Ka dhacay Koonfur-galbeed Maadaama ay Yihiin Dadkii Qeyb Lexaad Leh Ka Qaatay Dhismihii Maamuladii Soo maray Koonfur-galbeed,

Odayaasha ayaa soojeediyay inay diyaar u yihiin nabadeynta iyo garab istaagga Maamulka Koonfur-galbeed Hogaanka Cusub ee Uu Yeeshay Maadaama ay filayaan inuu Wax Badan oo Horumar ah gaarsiinayo Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Odayaasha Waxay qireen in wixii dhibaata ah ee Ka dhacay Koonfur-galbeed Shacabka ay Ka gudbeen ayna Diyaar u yihiin Xal waliba inay Ka qeyb qaataan ,

Intaas Ka dib Gudoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Odayaasha Dhaqanka Kala hadlay arrimihii ay Soo jeediyeen, Wuxuuna u jeediyay in si deg deg ah ay u xalin doonaan dhamaan howlaha wax ka qabashada u Baahan,

“Waxaan si gaar ah u dhinac istaagi doonaa Dadka Tabashooyinka Qaba iyo dhamaan dhinacyada u baahan inay nala Shaqeeyaan si daawa loo helo waa in marka hore wixii dhibka Keenay aan Ka bilownaa ,

Gudoomiyaha yaa intaasi sii Raaciyay ” Waxaa Jiri doona kulamo Joogta ah oo Wada Tashi ku saabsan oo aan la yeelan doono sidoo Kalena Laga warqabi doono Odayaasha Dhaqanka,”

Ugu Dambeyn Guddoomiyaha ayaa Odayaasha Dhaqanka u Balanqaaday Inay Gaar ahaan iyo Guud ahaanba ay Heli Doonaan Garab Istaag Odayaasha dhaqanka

” Mar waliba waa in la xusuusnaadaa inaad tihiin tiirarkii dawladnimada runtii waana la idin baahan yahay waa in la idinka warqabaa anagoo ah Madaxdii Federaalkana waan ka Shaqeyn Doonaa Inaan Xuquuqdiina Heshaan,”ayuu Hadalkiisa kusoo Gabagabeeyay Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories