HomeWararMareykanka oo sheegay in uu Duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Mareykanka oo sheegay in uu Duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Taliska Mareykanka ee Qaarada afrika ee (Africom) ayaa soo saaray warbixin la xiriirta duqeyn dhinaca cirka oo Maanta  diyaaradahooda aan duuliyaha laheyn ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada Hoose. Qoraalka kasoo baxay Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo saakay waabarigii hore weerar xoogan ku qaaday Saldhig Ciidamada dowlada […]

- Advertisement -

Taliska Mareykanka ee Qaarada afrika ee (Africom) ayaa soo saaray warbixin la xiriirta duqeyn dhinaca cirka oo Maanta  diyaaradahooda aan duuliyaha laheyn ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada Hoose.

Qoraalka kasoo baxay Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo saakay waabarigii hore weerar xoogan ku qaaday Saldhig Ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni.

- Advertisement -

Sidoo kale  Africom ayaa sheegtay  in duqeynta lagu dilay 52 dagaalame oo ka tirsanaa Al-shabaab,isla markaana lagu bur buriyay gaari ay lahaayeen Shabaabkii saakay weeraray Saldhiga Baar Sanguuni sida ay sheegtay Africom.

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa saakay weerar ku bilowday qaraxyo xoogan waxa ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose,waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Dhinaca kale Saraakiisha Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in weerarka ay Al-Shabaab kusoo qaadeen Saldhiga Baar-Sanguuni ku dileen 73 ka mid ah Al-Shabaab,sidoo kalena weerar  dhinaca cirka ah ay Gaadiid uga gubeen sida ay hadalka u dhigeen.

- Advertisement -

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories