HomeCaalamkaSoomaaliya iyo Turkiga oo isku raacay iskaashi dhinaca Amniga

Soomaaliya iyo Turkiga oo isku raacay iskaashi dhinaca Amniga

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Wafddi uu hoggaaminayo wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow(Ducaalee) oo ku sugan magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ayaa la kulmay wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Suleyman Soylu iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dhinaca.

“Waxaan xooga saaraynaa sidoo loo adkeyn lahaa xiriirka ka dhexeeya labada dal,iskaashiga dhanka horumarka arrimaha gargaarka bani’aadanimo iyo sugidda ammaanka”. Ayuu yiri wasiir Soylu.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta labada dhinaca ayaa muujiyay sida ay uga wada qanacsanyihiin oo ay u rumeysan yihiin heshiisyadii ay kala saxiixdeen labada dowlad Soomaaliya iyo Turkey sanadkii tagay ee 2018,waxaana wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Mr Soylu uu sheegay in xiriirka Soomaaliya kala dhexeeyo uu ka weynyahay mid diplomaasiyadeed oo qura balse uu yahay mid saaxiibtinimo iyo walaaltinimo ku dhisan,wuxuuna xusay in taariikhda ay baal dahab ah ka geli doonaanan labada dhinac.

Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) Wasiirka amniga XFS ayaa dhankiisa ka hadlay dowrka Turkiga ee garab istaaga Soomaaliya.

“Soomaaliya marnaba ma iloobayso caawinaadii iyo garab istaagii Turkiga ee arrimaha bani’aadanimada sanadkii 2011,waana dowladii ugu horeysay oo talaabadaasi qaado,ilaahay ayaana ka abaal marin doona kaalintooda”. Ayuu yiri wasiir Islow.

- Advertisement -

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa ku casuumay Wasiir Soylu in uu soo booqdo Soomaaliya,iyadoo uu aqbalay wasiirka arrimaha gudaha Turkiga casuumaadaasi.

Ugu dambeyn Wasiir Islow ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in kaalinteeda ay ka soo baxdu hadii ay dhacdo in walaalaha Turkigu ay maalin u baahdaan caawinaad iyo garab istaag.

Latest stories