HomeCaalamkaDowladihii ugu horeeyay oo ka hadlay weerarkii Hotelka Dusit

Dowladihii ugu horeeyay oo ka hadlay weerarkii Hotelka Dusit

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Kadib, markii ay Ciiddanka Ammaanka ee Kenya soo gebegebeeyeen weerarkii ay Dagaalamayaal Alshabaab ku qaadeen Hotel caan ah oo ku yaalla Bartamaha magaalladda Nairobi, ayaa waxay Warbaahinta dalkaasi sheegeen inay Dowlado badan taageero u muujiyeen Dowladda Kenye.

Wargeyska Malainlaah ee Nation waxa uu qoray inay Dowladaha Mareykanka, Britain iyo Shiinaha ka mid ahaayeen Dowladihii ugu horreeyey ee u soo diray Farriimaha Taageeradda markii ay 4 Dgaalamayaal ka tirsan Alshabaab oo aad u hubeysnaa ay gudhaa u galeen Dhismaha Hotelka Dusit D2 Hotel.

- Advertisement -

Danjiraha Maraykanka ee xilka ka sii degayo ee u jooga Kenya, Robert Gdek waxa uu sheegay inay bogaadinayaan Geesinimadda ay Ciiddanka Kenya  ee ay ku soo gebagebeeyeen Weerarkaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa  uu ku xusay inay Maraykanka cambaareynayaan weerarkii xanuunka badnaa ee ka dhacay Hotelka Dusit D2 iyo inay tacsi u dirayaan dadkii ay dhibaataddu ka soo gaareen weerarkaasi.

Danjiraha UK u jooga Kenya, Nik Hailey waxa uu ballan qaaday in koox ka socota Ergadda UK u joogta Nairobi ka shaqeeyeen sidii ay Maamulayaasha Kenya uga fal-celin lahaayeen weerarkaasi.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inuu la hadlay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isla markanaa u muujiyey sida xooggan ee ay Dowladda UK  maanta u garab tagaan tahay Kenya.

Danjiraha UK u jooga Kenya, Nik Hailey waxa uu saakayto oo Arbaco ah sheegay inay sii xirnaan doonto Dhismaha Safaaradda UK ee Nairobi, ilaa inta laga fal-celinayo weerarki iHotelka Dusit D2 Hotel..

Safaaradda Shiinaha ee Nairobi waxay iyagana Dowladda Kenya u direen Dhambaal Tagageero iyo inay garab taagan yihiin Dowladda iyo Dadka Reer Kenya.

Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres waxa uu cambaareeyey Weerarkii Hotelka Dusit D2 , wuxuuna hakiyey Kulamo maanta ka dhici lahaa Nairobi.

Latest stories