HomeCaalamkaDFS oo sheegtay inay Cadaadis Dibedeed kala kulmeen Go’aankii Dhexdhexaadnimadda ee...

DFS oo sheegtay inay Cadaadis Dibedeed kala kulmeen Go’aankii Dhexdhexaadnimadda ee Khilaafka dalalka Khaliijka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, Axmed Ciise Cawad ayaa arrinkaasi ku sheegay Wareysi dheer oo uu siiyey Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency, oo uu kaga hadlay Xaalladda Somalia, Xiriirka Turkiga iyo Somalia, Khilaafka Khaliijka, Dib-u-soo-laabashada Safaaradaha Shisheeyaha u joogay Somalia iyo Falkii lagu dilay Saxafigii Sacuudiyaanka ee Jamaal Axmed Khashoggi iyo arrimo kale. Wasiirka […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, Axmed Ciise Cawad ayaa arrinkaasi ku sheegay Wareysi dheer oo uu siiyey Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency, oo uu kaga hadlay Xaalladda Somalia, Xiriirka Turkiga iyo Somalia, Khilaafka Khaliijka, Dib-u-soo-laabashada Safaaradaha Shisheeyaha u joogay Somalia iyo Falkii lagu dilay Saxafigii Sacuudiyaanka ee Jamaal Axmed Khashoggi iyo arrimo kale.

Wasiirka waxa uu sheegay inay Somalia wajahday Cadaadis Siyaasadeed iyo Xiisado ay abuureen dalal ay ku jiraan kuwo Reer Glabeed oo uusan carabaabin, balse uu sheegay in Cadaadiskaasi xiriir la leeyahay Go’aankii ay DFS  dhedhexaadka kaga noqotay Khilaafkii Khaliijka.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inuusan Cadaadiskaasi wax niyad jab ah u noqon doonin go’aanka ay DFS ka istaagtay arrintaasi, isla markaana uusan Go’aankaasi wax u dhimi doonin Xiriirka Somalia iyo dalalka uu tilmaamay inay Cadaadis Siyaasadeed ku hayaan Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, waxa kale oo sheegay inaysan doonaynin inay qeyb ka noqdaan Khilaafka u dhexeeya dalalka Walaalaha ee Khaliijka, taasina ay keentay Go’aanka Dhexdhexaadka ee Somalia, si xiriir dhow lala yeesho dalalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, Axmed Ciise Cawad waxa uu Wareysigiisa kaga hadlay Xiriirka Somalia iyo Turkiga, wuxuuna xusay inuu Turkigu yahay saaxiibka ugu weyn ee Isbahaysiga Istaraatijiyadeed ee Somalia.

- Advertisement -

Wasiir Cawad waxaa kaloo wax laga weydiiyey Xiriirka DFS iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay inuusan xiriirkooda gaarsiinayn Heerkii la doonayey, balse waxa uu rajo ka bixiyey inuu xiriirkaasi dib u soo xoogeysan doono.

Waxa uu intaasi ku daray inay jiraan horumar marka la barbar dhigo tan iyo markii uu Khilaafka Siyaasadeed ka dhex  qarxay labada Dowladood bartamihii sannadkii 2018-kii.

Khilaafka Somaalia iyo Imaaraadka waxa uu dilaacay bishii April ee sannadkii hore, kadib, markii ay Ciiddanka Ammaanka Garoonka Aadan Cadde ku qabteen Diyaarad laga lahaa Imaaraadka oo ay la socdeen 47 Askar Imaarati ah iyo shandado ay ku jireen Lacago cadadeeda lagu sheegay 9.6 million oo Dollar.

Dhinaca kale, Wareysiga uu Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, Axmed Ciise Cawad siiyey Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anatolia Agency waxaa wax laga weydiiyey Aragtida DFS ee geeridii Saxafigii Sacuudiyaanka ee Jamaal Axmed Khashoggi, wuxuuna sheegay inaysan taageeraysnayn dilkaasi, balse ay is-garab taagayaan Midnimadda dalka Sacuudiga iyo inaan la faragelin Arrimaha Gudaha ee dalkaasi.

Latest stories