HomeCaalamkaKenya oo ka hadashay weerarka ka socda Magalada Nairobi

Kenya oo ka hadashay weerarka ka socda Magalada Nairobi

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar  hal qarax ku bilaawday oo Galabta lagu qaaday  hotel ku yaalla magaalada Nairobi oo lagu magacaabo DusitD2.

Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa la sheegay inay ku geeriyooday weerarka qaraxa ku bilaawday oo lagu qaaday Hotelka DusitD2 ee Magalada Nairobi waxaana mararka qaar halkaasi ka dhacay rasaas xooggan,iyada oo ciidamada Kenya ay ku hareereysan yihiin Hotelka.

- Advertisement -

Afhayeenka booliska Kenya, Charles Owino ayaa u sheegay taleefishinka Citizen inay rumeysan yihiin in weerarka uu yahay weerar argagixiso.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas, waxaana ay sheegeen in ay gudaha u galeen hotel-ka.

“Anaga ayaa ka dambeyna weerarka Nairobi, howl-galkana waa mid socda” waxaa sidaas yiri afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab.

- Advertisement -

Xaalada Magalada Nairobi ayaa Caawa ah mid kacsan,waxaana Isha ku haya Warbaahinada Caalamka,maadaama goobta la weeraray ay aheyd mid amaankeeda siweyn loo ilaalinayay.

Latest stories