HomeWararAkhriso:-Faah faahin ku saabsan mid ka mid ahaa Soomaalidii ku Eedeysanaa Weerarkii...

Akhriso:-Faah faahin ku saabsan mid ka mid ahaa Soomaalidii ku Eedeysanaa Weerarkii Westgate

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Mid ka mid ah 4 Eedeysane oo shalay lagu soo oogay Weerarkii  Xarunta laga dukaamaysto ee Westgate Mall lagu qaaday sannadkii 2013-kii ayaa la sii daayey, kadib, markii lagu waayey caddaymo ku filan falkii lagu soo oogay. Garsooraha Guud ee Maxkamadda Nairobi, Francis Andayi  waxa uu sheegay inaan wax Dembi ah lagu helin C/qaadir Aadan […]

- Advertisement -

Mid ka mid ah 4 Eedeysane oo shalay lagu soo oogay Weerarkii  Xarunta laga dukaamaysto ee Westgate Mall lagu qaaday sannadkii 2013-kii ayaa la sii daayey, kadib, markii lagu waayey caddaymo ku filan falkii lagu soo oogay.

Garsooraha Guud ee Maxkamadda Nairobi, Francis Andayi  waxa uu sheegay inaan wax Dembi ah lagu helin C/qaadir Aadan oo lagu naanayso Aadan Dheeg oo horey loogu soo oogay inuu mid ka mid ah Eedeysanayaasha oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi uu qol ka siiyey Gurigiisa oo ku yaalla Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi.

- Advertisement -

C/qaadir Aadan Dheeg oo ah Muwaadin Soomaali ah waxa uu kale oo wajihi lahaa dacwado kale oo ku aadan inuu sharci-darro ku joogay Kenya iyo inuu haystay Aqoonsiga “Kenyan ID Card” oo uu magaalladda Mandera ka qaatay bishii July 13-dii ee sannadkii 2010-kii.

Dhinaca kale, Maxkamadda Nairobi waxay dib u dhigtay ilaa Isniinta soo socota dhegeysiga dacwada loo haysto Eedeysanayaasha magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Cabdi, Liiban Cumar iyo Xuseen Mustafa, kuwaasi oo beeniyey inay ku lug lahaayeen weerarkii Westgate Mall ee  ay 67 qof ku geeriyootay, in ka badan 100-kalena ay ku dhaawacmeen.

Garsooraha Guud ee Maxkamadda Nairobi, Francis Andayi  waxa uu tilmaamay in la hayo caddaymo ku filan oo muujinaya inay Saddex Eedeysane ku lug lahaayeen weerarkii Westagate Mall oo socday muddo 4 maalmood.

- Advertisement -

Dhegeysiga Dacwadaasi oo dib loo dhegeysan doono maalinta Isniinta ee soo socota, iyadoo  dhegeysigii 1-aad ee Dacwadaasi la qaaday bishii Janaayo  15-dii ee sannadkii 2014-kii.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa sheegay inay mas’uul ka ahaayeen Weerarkii Westgate Mall, iyagoo kaga soo horjeeda Joogitaanka Milliteriga Kenya ee ku sugan qeybo ka mid ah gudaha Somalia.

Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Mawaay Kibaaki waxa uu bishii October ee sannadkii 2011-kii  ku amray Ciiddankiisa inay gudaha u galaan dalka Somalia, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab weeraro xiriirsan  ka fuliyeen gudaha Kenya.

Latest stories