HomeCaalamkaAkhriso:-Saxafiyad Armando Lindhout”Ninkii 10 Sano ka hor Somaliya iga afduubtay ayaa la...

Akhriso:-Saxafiyad Armando Lindhout”Ninkii 10 Sano ka hor Somaliya iga afduubtay ayaa la qabtay”

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Saxafiyadaasi oo lagu magacaabo Armando Lindhout  oo muddo 460 malamood afduub loogu haystay Somalia sannadkii 2008-dii ayaa sheegtay inay Baarayaasha Boliska Kanada gacan ka siisay sidii loo soo xiri lahaa Nin Somali oo ay sheegtay inuu ka mid ahaa dadkii iyada afduubtay. Armando Lindhout  iyo Sawir-qaade  Nigel Brennan waxaa laga qafaashay duleedka magaalladda Muqdisho sannadkii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saxafiyadaasi oo lagu magacaabo Armando Lindhout  oo muddo 460 malamood afduub loogu haystay Somalia sannadkii 2008-dii ayaa sheegtay inay Baarayaasha Boliska Kanada gacan ka siisay sidii loo soo xiri lahaa Nin Somali oo ay sheegtay inuu ka mid ahaa dadkii iyada afduubtay.

Armando Lindhout  iyo Sawir-qaade  Nigel Brennan waxaa laga qafaashay duleedka magaalladda Muqdisho sannadkii 2008-dii,  waxaana la sii daayey markii  Kooxdii afduubatay la siiyey lacag  madax-furasho oo dhamayd hal million oo Dollar.

- Advertisement -

Wareysi ay siisay Wargeyska Toddobaadlaha ee Dateline Weekly Newsletter waxay ku sheegtay markii  iyada madax-furasho lagu sii daayey,  kuna soo laabatay Kanada inay Farriin Facebook ah ka heshay mid ka mid ah dadkii afduubtay, kaasi oo u soo qoray Erayga  “Hello”  oo keliya.

Waxay ka hadashay sida ay u naxday, markii ay aragtay Farriinta uga timid Ninka lagu magacaabo Cali Cumar Adeer, kaasi oo ay sheegtay inuu ahaa Afduubihii ugu weynaa ee kooxdii iyada afduubtay.

Armando Lindhout  waxay sheegtay inay Boliska Boqortooyadda Kanada ku wargeliyeen arrintaasi, waxayna Bolisku bilaabeen Hawlgal qarsoodi ah oo socday muddo 5 sanno ah, iyadoo ugu dambeyntii Cali Cumar Adeer si xeelladaysan loo soo qabtay, loona soo duuliyey dalka Kanada.

- Advertisement -

Bishii June 18-dii ee sannadkii hore ee 2018-kii waxaa Cali Cumar Adeer la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Ottawa ee dalka Kanada, waxaana lagu xukumay xabsi 15-sanno ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts