HomeWararRa'iisul Wasaare Kheyre oo soo gabagabeeyay Isla-xisaabtanka Golaha Wasiirrada

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo soo gabagabeeyay Isla-xisaabtanka Golaha Wasiirrada

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa soo gebegebeyay isla-xisaabtanka golaha wasiirrada oo si joogta ah u socday muddo shan maalin ah Ra’iisul wasaaraha ayaa wasiirrada kula xisaabtamayay shaqooyinkii ay ka qabteen hal-beegyada qorshohoodu ahaa in lagu guulayso sannadkii tegay ee 2018, waxaa kale oo wasiirradu ay saxiixeen halbeegyooda ay doonayaan in […]

- Advertisement -

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa soo gebegebeyay isla-xisaabtanka golaha wasiirrada oo si joogta ah u socday muddo shan maalin ah

Ra’iisul wasaaraha ayaa wasiirrada kula xisaabtamayay shaqooyinkii ay ka qabteen hal-beegyada qorshohoodu ahaa in lagu guulayso sannadkii tegay ee 2018, waxaa kale oo wasiirradu ay saxiixeen halbeegyooda ay doonayaan in ay fuliyaan sannadka 2019.

- Advertisement -

Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaamud, ayaa sheegay in si guul ah uu kusoo dhamaaday isla xisaabtana oo ra’iisul wasaaruhu ku xaqiijinayay wax-qabadka 26-ka wasaaradood ee xukuumaddu ka koobantahay iyo Bangiga dhexe, laguna jaangoynayay wax-qabadka sannadka bilaawga ah.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa si joogta ah ula xisaabtama wasiirrada si looga guul gaaro qorshayaasha qaran ee horay loogu ballamay in lagu fuliyo waqti leesla ogyahay, looguna gudbo qorshayaasha kale ee muhiimka u ah horumarinta hannaanka dawlanimo iyo himilooyinka ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories