HomeCaalamkaRuushka oo taageero u muujiyay Nicholas Haysom,xilli uu Khilaaf Diplomaasiyadeed ka dhaxeeyo...

Ruushka oo taageero u muujiyay Nicholas Haysom,xilli uu Khilaaf Diplomaasiyadeed ka dhaxeeyo DFS

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Dowladda Raashiya oo xubin ka ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM  waxay xaqiijisay Taageeradda ay u hayaan QM iyo Ergaygii Gaarka ee  QM ugu qaabilsanaa Arrimaha Somalia, Nicholas Haysom  oo ay DFS isbuucii hore sheegtay inuu yahay qof aan laga doonaynin Somalia (Persona non grata). Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Maariya […]

- Advertisement -

Dowladda Raashiya oo xubin ka ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee QM  waxay xaqiijisay Taageeradda ay u hayaan QM iyo Ergaygii Gaarka ee  QM ugu qaabilsanaa Arrimaha Somalia, Nicholas Haysom  oo ay DFS isbuucii hore sheegtay inuu yahay qof aan laga doonaynin Somalia (Persona non grata).

Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Maariya Zakharoofa ayaa sheegtay inay taageero buuxda u hayaan Hawlaha QM ka wadaan Somalia iyo Shaqada Xafiiska QM ee UNSOM ee lagu taageerayo Nabadda iyo Deganaanshaha iyo Horumarinta Somalia.

- Advertisement -

Afhayeenadda waxay kaloo ku boorisay DFS iyo QM inay si iwadaan Iskaashigooda miro-dhalka, si loo gaaro Hadafkaasi iyo in loo baahan yahay in la dardar geliyo  Fulinta Heshiisyadii lagu garaay maagaalladda Muqdisho bishii June ee sannadkii 2018-kii,  kaasi oo ay Goballadda ku wadaagi doonaan  Dakhliga ka soo xerooda  soo-saarista Shidaalka, Macdanta iyo arrimaha kale.

Wxaay kaloo intaasi ku dartay in loo baahan yahay in la raaco Wada-xaajoodka Qar an ee Ajendaha gudaha oo ay ka mid yihiin Diyaarinta Dastuurka Cusub, Dib-u-habaynta Garsoorka iyo Doorashadda Madaxweynaha ee sannadka 2021-ka.

Dhinaca kale, Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Maariya Zakharoofa waxay sheegtay inay Dowladda Raashiya xushmeynayaan Madax-bannanida dhuleed iyo Siyaasadeed ee Somalia iyo Midnimadda Somalia.

- Advertisement -

Raashiya ayaa noqotay dalkii 3-aad ee ka tirsan Golaha Ammaanka ee QM oo hadal ka soo saartay  Khilaafka Diplomaasiyadeed ee DFS iyo QM, kaasi oo ka dhashay Go’aankii ay DFS bishan 2-dii ku cayrisay Ergaygii Gaarka ee QM ugu qaabilsanaa Somalia, Nicholas Haysom.

DFS waxay Ergaygaasi ku eedeysay inuu faragelin ku hayeySiyaasadda  Gudaha ee Somalia isla markaana loo aqoonsaday Shaqsi aan ka si ishaqeyn karin gudaha Somalia.

Latest stories