HomeCaalamkaWaxyaabihii layaabka lahaa ee lagu arkay doorashadii Puntland

Waxyaabihii layaabka lahaa ee lagu arkay doorashadii Puntland

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Doorashadii Puntland ee shalay la soo gaba gabeeyay ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay dhaqdhaqaaqyada iyo howlaha kala duwan ee magaalada Garoowe, walina waxaa la dareemayaa raadkii doorashada, sida uu ku soo warramay wariyaha BBC-da Axmed Cawil.

Intii uu socday ol’olaha ayuu jiray culeyska ugu badan, waxaana waddooyinka laga dareemayay saxmad iyo ciriiri, iyadoo ay jirtay cabasho xoog leh oo ka imaaneysay shacabka.

- Advertisement -

Dadka dan yarta ah ayaa aad uga sheegtay tirada gaadiidka ku soo batay jidadka, halka ciidamada amaanka waddooyinkana ay aad u mashquuleen maalmahaas.

Sida ay sheegeen dad fara badan oo magaalada ku nool, doorashadan ayaa ahayd mid ka saameyn badan aadna uga duwan doorashooyinkii hore ee Puntland ka dhici jiray.

Dadka magaalada soo buux dhaafiyay waxaa ku jira kuwo doorashada awgeed uga yimid dalalka qurbada, waxaana ka mid ah Yoonis Maxamed Waaberi, oo Mareykanka ka yimid, wuxuuna la hadlay BBC-da.

- Advertisement -

“Doorashada magaalada isbaddal weyn bay u keentay, saddexdii sano ee lasoo dhaafay waan imaanayay Garoowe, laakiin sannadkaan sidii hore ma aha dadkuna way ka badan yihiin tiradii la arki jiray”, ayuu yiri.

Doorashadan ayaa sidoo kale Magaalada Garoowe u horseedday inuu u soo xaroodo dhaqaale fara badan.

Cabdiqaadir Abshir Muuse waa maamulaha Hoteel cunto oo ku yaalla magaalada Garoowe.

Wuxuu BBC-da u sheegay iney garan waayeen qaab ay dadka cuntada ku siiyaan.

“Waxyaabaha cajiibka ah ee aan arkay waxaa ka mid ahayd inaan xakameyn weynay tirada dadka u imaanayay iney wax cunaan. Meel walba ayaan kuraas u dhignay, markii dambena waxaan ku dhawaannay inaan gabi ahaanba faraha kala baxno”.

Meelaha kale ee uu ciriiriga faraha badan ka jiray waxaa ka mid ahaa hoteellada la seexdo oo si aad ah loo buux dhaafiyay.

Hoolalka shirarka ayaa iyagana ka mid ahaa ganacsiyada sida weyn u macaashay intii lagu guda jiray ol’olaha doorashada.

Hase ahaatee, Saxmaddii ayaa hadda ka yaraatay magaalada waxaana aan jirin dabaal dagyadii iyo gawaaridii ay sameecadaha ku xirnaayeen ee dhex wareeji jiray magaalada, ka hor xilligii doorashada.

XIGASHO BBC SOMALI

Latest stories