HomeWararSawirro:-Milliteriga Dalka Gaaboon oo la wareegay Talada dalkaasi

Sawirro:-Milliteriga Dalka Gaaboon oo la wareegay Talada dalkaasi

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Ciiddanka dalkaasi ayaa la sheegay inay Afgembi kula wareegeen Talada dalkaasi, waxayna ku dhawaaqeen Golaha Dib-u-soo-celinta “Restoration council” . Warar ayaa sheegaya in rasaas laga maqlayo agagaaraha Dhismaha Xraunta TV-ga ee dalkaasi oo ku yaalla bartamaha caasimadda dalkaasi ee Libirfiil. Saraakiisha Milliteriga oo la wareegay Idaacadda Qaranka ee dalkaasi waxay cambaareeyeen Madaxweyne Cumar Bongo oo […]

- Advertisement -

Ciiddanka dalkaasi ayaa la sheegay inay Afgembi kula wareegeen Talada dalkaasi, waxayna ku dhawaaqeen Golaha Dib-u-soo-celinta “Restoration council” .

Warar ayaa sheegaya in rasaas laga maqlayo agagaaraha Dhismaha Xraunta TV-ga ee dalkaasi oo ku yaalla bartamaha caasimadda dalkaasi ee Libirfiil.

- Advertisement -

Saraakiisha Milliteriga oo la wareegay Idaacadda Qaranka ee dalkaasi waxay cambaareeyeen Madaxweyne Cumar Bongo oo isaga markii ugu horreeysay isbuucii hore ka soo hadlay dalka Moroko, tan iyo markii uu Cuddurka Qalalka ku dhacay bishii October ee sannadkii hore.

Taliyaha horkacayo Afgembigaasi, Kolonel Ondo Obiang waxa uu Madaxweynaha ku eedeeyey inuusan lahayn awood uu ku sii wado mas’uuliyadda Xilkaasi.

Madaxweyne Cumar Bongo oo 59-jir ah waxaa la sheegay inuu la xanuunsan yahay cuddurka Qalalka oo ku dhacay xilli uu booqanayey dalka Sacuudiga bishii  October 24-dii  ee sannadkii hore, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyey lagu daawaynayey dalka Moroko.

- Advertisement -

Madaxweyne Cali Boongo oo 59-jir ah waxa uu Muuqaal Video ah ka soo diray caasimadda dalka Moroko ee Rabaat isbuucii hore, wuxuuna sheegay inuu ka soo gudbay xilli ada u adag.

Waxa uu intaasi ku daray in sida idiin muuqata waxaan isku diyaarinayaa inaan  mar kale idinla kulmo sida ugu dhaqsaha badan.

Afhayeenka Madaxtooyadda dalka Gaaboon, Ike Ngouoni oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP waxa uu sheegay inuu Mdaaxweyne Cali Bongo si buuxda u soo bogsaday, isla markaana dhibaatadii caafimaadka ay haatan noqdeen kuwo ay isaga ka dambeeyaan.

Madaxweyne Cali Boongo waxa uu talada dalkaasi qabtay sannadkii 2009-kii, kadib, markii uu geeriyooday Aabihiisa, Omar Bongo oo talada dalkaasi hayey muddo 42-sanno.

Waxaana Cali Boongo mar kale dib loo doortay Doorasho ka dhacday dalkaasi sannadkii 2006-kii, taasi oo dad badan lagu dilay.

Latest stories