HomeCaalamkaXiriirka K/Cagta Somalia oo la sheegay inay lacago lunsadeen & dacwad ka...

Xiriirka K/Cagta Somalia oo la sheegay inay lacago lunsadeen & dacwad ka dhan ah oo loo gudbiyay FIFA

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Madaxa Gabdhaha K/Cagta Somalia, Shayma Maxamed ayaa ugu baaqday Xiriirka K/Cagta Adduunka ee FIFA inay qaadaan Tallaabo, kadib, markii ay sheegtay inaysan soo gaarin Lacagaha ay FIFA ku taageerto Ciyaaraha Haweenka ku sugan gudaha Somalia. Shayma Maxamed ayaa hadalkaasi ku sheegtay Wareysi dheer oo ay siisay Wargeyska “The Guardian” ee ka soo baxa magaalladda London, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxa Gabdhaha K/Cagta Somalia, Shayma Maxamed ayaa ugu baaqday Xiriirka K/Cagta Adduunka ee FIFA inay qaadaan Tallaabo, kadib, markii ay sheegtay inaysan soo gaarin Lacagaha ay FIFA ku taageerto Ciyaaraha Haweenka ku sugan gudaha Somalia.

Shayma Maxamed ayaa hadalkaasi ku sheegtay Wareysi dheer oo ay siisay Wargeyska “The Guardian” ee ka soo baxa magaalladda London, waxayna sheegtay inaysan wax feker ah ka qabin halka ay Lacagaha FIFA ku dambeeyeen.

- Advertisement -

Waxay sheegtay inuu  qeybta K/Cagta ee Haweenke XSKC  yahay mid fadhiid ah, isla markaana uu magac-u-yaal yahay, waxayna xustay inuu Xiriirku iyada siiyey magacaabis rasmi ah, balse ay kala laabteen Codsigeeda ku aadanaa in Gabdhaha K/Cagta la siiyo Xafiis, Qalab iyo in loo kireeyo Garoon ay Gabdhaha ku tababar qaataan.

Madaxa Gabdhaha K/Cagta Somalia, Shayma Maxamed waxay Wareysiga ay siisay Wargeyska The Guardian  ku sheegtay in Gabdhaha iyo Haweenka K/Cagta sii wadaan inay ku ciyaaraan Akadeemiyadda Naadiga Dahabka (The Golden Club Academy) ee ku yaalla magaalladda muqdisho.

Waxay kaloo sheegtay inay Baraha Bulshadda ku codsadaan in taageero dhaqaale la siiyo Gabdhaha K/Cagta Somalia, waxayna hoosta ka xariiqday inay lahayn Miisaaniyad Sannadeed loo adeegsado Hawlaha K/Cagta ee Gabdhaha Somalia.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Madaxa Gabdhaha K/Cagta Somalia, Shayma Maxamed waxay sheegtay inaysan wax feker ah ka haysanin Lacagaha FIFA soo diraan, isla markaana aysan ogeyn haddii uu XSKC  u gudbiyey FIFA warbixinta ku aadan Shqsiyadeeda iyo tan Gabdhaha K/Cagta Somalia.

Ugu dambeyntii waxay ugu baaday Xiriirka K/Cagta  Adduunka ee FIFA inay qaadaan tallaabo, isla markaana ay hubiyaan inay Gabdhaha K/Cagta Somalia helaan lacagaha FIFA u soo diraan.

Xiriirka K/Cagta Adduunka ee FIFA waxay u qoondeeyeen Xiriir kasta oo Qaran  lacag dhan 100,000 oo Dollar ilaa 500,000 oo Dollar oo ah Kharajka Hawlgalladda ee Haweenka ciyaara K/Cagta, waxaana Lacagahaasi u dheer Kharashaad kale oo dheeraad ah oo loogu talagalay Safarka Tartamadda Haweenka K/Cagta iyo Mashaariicda khaaska u ah Haweenka K/Cagta ee dal kasta.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts