HomeCaalamkaMilliteriga Maraykanka oo yareynaya howlgalka uu ka wado gudaha Somalia

Milliteriga Maraykanka oo yareynaya howlgalka uu ka wado gudaha Somalia

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Waaxda Difaaca ee dalka Maraykanka “The Pentagon” ayaa sheegtay inay qorsheynayaan inay yareeyaan doorkooda Somalia iyo inay xadidaan Duqeymaha lala beegsado Dagaalamayaasha Alshabaab.

Labo Saraakiil Sarsare oo ka tirsan Milliteriga Maraykanka oo la hadlay Telefishinka NBC News ayaa sheegay inay tallaabadan caddayn u tahay inuu Maamulka Madaxweyne Donald Trump ka baaraan-degayo dhimista Ciiddamadda Maraykanka ee loo daad-gureeyey dalal ka tirsan Caalamka.

- Advertisement -

Madaxweyne Trump markii uu xilka la wareegay waxa uu Ciiddamo dheeraad ah u soo diray Somalia , wuxuuna Taliyayaashiisa awood u siiyey inay kordhiyaan Duqeymaha ay ka geystaan Somalia.

Sarkaal la hadlay Telefishinka NBC News ayaa sheegay inay  hawlgaladaasi gaabis noqdeen, tan iyo markii uu Xoghayihii Difaaca ee dalka Maraykanka, James Mattis  xilka ka degay bishii hore.

Dhinaca kale, Saraakiil hore iyo Khubaro ka tirsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda oo la hadlay Tleefishinka NBC News waxay sheegeen  inuu  qorshahaasi abuuri karo Khataro ka timaado Ururadda Alqaacida, Daacish iyo kuwa kale.

Latest stories