HomeCaalamkaDowladda Somalia oo War ka soo saartay weerar Ciidamada Kumaandoosta ka fuliyeen...

Dowladda Somalia oo War ka soo saartay weerar Ciidamada Kumaandoosta ka fuliyeen Sh/Hoose

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya oo taageero Millatari ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa xalay Saqdii dhaxe Howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellada Hoose. Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa jiray dagaal xoogan oo dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo taageero ka helayay kuwo Mareykanka,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay jirtay duqeyn diyaaradeed. Saraakiil […]

- Advertisement -

Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya oo taageero Millatari ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa xalay Saqdii dhaxe Howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellada Hoose.

Intii uu howlgalka socday ayaa waxaa jiray dagaal xoogan oo dhexmaray Al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo taageero ka helayay kuwo Mareykanka,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay jirtay duqeyn diyaaradeed.

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan Danab oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa waxa ay sheegeen in Saldhigyada la duqeeyay ay ku sugnayeen saraakiil Soomaali iyo Ajanib ka tirsan  Al-Shabaab

Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Danab ayaa waxa uu sheegay in Ku dhawaad 45 ay ku jiraan Saraakiil  lagu dilay weerarka duqeynta  sida ay sheegeen Saraakiisha Danab.

Saraakiisha ciidamada danab ayaa Magacyada saraakiisha lagu dilay weerarka ku kala sheegay Sida tan Abuu yuusuf Alsuuf oo la sheegay inuu kasoo jeedo dalka Lubnaan,Yaxye Aldhaalib oo heesta dalka Suudaan, iyo Abuu Xasan Xamsa oo Al-shabaab kaga soo biirey Kooxda Xuutiyiinta ka dagaalanta Dalka Yaman.

- Advertisement -

Si kastaba Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin weerarkaas ay Saraakiisha Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ay sheegeen inay siwadajir ah u fuliyeen Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Mareykan.

Latest stories