HomeCaalamkaDowladda Somalia oo markale ku celisay in Nicholas Haysom ka Shaqeyn karin...

Dowladda Somalia oo markale ku celisay in Nicholas Haysom ka Shaqeyn karin dalka

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladdu aysan marna aqbali doonin in Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Haysom uu mar kale kasii shaqeeyo Soomaaliya. Hadalkaan ayaa imaanaya xilli ay jiraan warar sheegaya in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ay […]

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladdu aysan marna aqbali doonin in Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Haysom uu mar kale kasii shaqeeyo Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli ay jiraan warar sheegaya in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ay arrinta ka wada hadleen.

- Advertisement -

Axmed Ciise ayaa sheegay in Mowqifkoodii hore uusan waxba iska badali doonin isla markaana aysan ogolaan doonin in Soomaaliya dib loogu soo celiyo Nicolas Haysom oo uu ku eedeeyay in uu u dhaqmay sida in uu isagu madax ka yahay dalka, isla markaana ay jireen qoraallo badan oo uu horay ugu gudbiyay dowladda.

Wasiirka ayaa isaga oo ka qeyb galayay Barnaamij ka baxayay Idaacada Voa-da ayaa sheegay in go’aankan aan lagu dag dagin, dalkana ay ka jirto dolwad doonaysa in ay umadaha kale lamid noqoto.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka jawaabaya su’aalaha laga weydiiyay rabshidihii Baydhabo oo dad ay ku dhinteen iyo xarigii Abu Mansuur.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories