HomeCaalamkaGabdho Somali-British oo cadaadis lagu saaray inay bixiyaan Kharajka dib loogu celiyey...

Gabdho Somali-British oo cadaadis lagu saaray inay bixiyaan Kharajka dib loogu celiyey dalkaasi

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Wargeyska The Times waxa uu qoray inay soo ogaadeen in Gabdhahaasi la geeyo Dugsiyo ku yaalla Somalia iyo u diyaar-garoobaan waxa loogu yeeray Guur Khasab ah, waa sida uu Wargeysku qoray. Wargeysku waxa u uqoray in 7 gabdho Dhibanayaal ah oo da’doodu u dhexeyso 17 ilaa 22-jir la soo badbaadiyey, laguna soo celiyey Britain sannadkii […]

- Advertisement -

Wargeyska The Times waxa uu qoray inay soo ogaadeen in Gabdhahaasi la geeyo Dugsiyo ku yaalla Somalia iyo u diyaar-garoobaan waxa loogu yeeray Guur Khasab ah, waa sida uu Wargeysku qoray.

Wargeysku waxa u uqoray in 7 gabdho Dhibanayaal ah oo da’doodu u dhexeyso 17 ilaa 22-jir la soo badbaadiyey, laguna soo celiyey Britain sannadkii 2017-kii.

- Advertisement -

Wargeyska The Times waxa kale oo uu qoray in Haweenkaasi da’da yar ee lagu soo celiyey Britain inay khasab looga dhigay  inay bixiyaan Kharajka ku baxay Safarkooda soo-celinta ahaa.

4 Haween oo Somali-British ah oo laga soo badbaadiyey Dugsiyo ku yaalla Somalia ayaa waxaa loo sheegay inay mid kasta bixiso lacag dhan 740 Giniga Ingiriiska oo u dhiganta 940 Dollar ama 820 Euro.

Gabdhaha Dhibanayaasha ee dib loogu celiyey dalka Britain waxaa loo sheegay inay dib u bixiyaan Kharajkooda Duullimaadka, Cuntadda iyo Hoyga.

- Advertisement -

Gabdhahasi kuwa ay da’dooda ka sarreyso 18-jir ee aan Kharajka iska bixin karin waxaa loo sheegay inay si degdeg ah ugu saxiixaan Xafiiska Arrimaha Dibedda ee Britain Heshiisyo Amaaheed oo looga bixinayo Kharajka lagu soo dallacay.

Dhinaca kale, Wargeyska The Times waxa uu qoray in gabdhah Somali-British-ka ee la soo badbaadiyey la soo helay iyagoo ku jira Dugsiyo Dhaqan-celin ah oo ku yaalla gudaha Somalia, waa sida uu Wargeysku hadalka u dhigay.

Jaalliyadaha Soomaalida ee ku nool dalka Britain weli kama aysan hadlin Dhacdooyinkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, laga soo bilaabo sannadkii 2014-kii, dalka Britain waxa Dembi ka noqday Guurka Khasabka, iyadoo qofkii lagu helo inuu ka dambeeyo falalkaasi uu muteysan doono Xabsi  7-sanno ah.

Latest stories