HomeCaalamkaMuhaajiriin ay Soomaali ku jiraan oo la soo badbaadiyay

Muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan oo la soo badbaadiyay

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

311 Muhaajiriin oo ay ku jiraan dhallinyaro Soomaali ah  uu soo badbaadiyey Markabka Gurmadka ee lagu magacaabo Gacmaha Furan ee “ The Proactiva Open Hands” ayaa waxay shalay oo Jimco ah ka degeen Dekedda magaalladda ALJEKIRAS ee Koonfurta dalka Spain.

Muhaajiriintaasi oo bishan December 21-dii laga soo badbaadiyey meel ka baxsan Xeebaha dalka Libya ayaa waxaa ku jiray 139 qof oo aan weli qaan-gaarin.

- Advertisement -

Ilo ku dhow Hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa xaqiijiyey in Muhaajiriintaasi oo u badnaa Afrikaan inay ka kala yimaadeen dalalka Somalia, Sudan, Mali, Ivory Coast iyo Syria.

Agaasimaha Barnaamijyadda ee Hay’adda Badbaadada Carruurta ee Save the Children”, fikente Raymundo ayaa sheegay in Muhaajiriinta la badbaadiyey ka soo jeedaan dalal ay Colaadu ka socdaan sida Somalia iyo Syria, kuwaasi oo uu xusay inay ka soo carareen xaalladda Macluusha iyo Abaaraha ka jira dalalkooda.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda dalka Spain ee uu hoggaamiyo Xisbiga Sooshaalistaha waxay u fasaxeen Markabka Gurnadka ee The Proactiva Open Hands oo ay la socdeen Boqolaalka Muhaajiriinta  inuu soo geli karo Xuduudda Badda Spain kadib, markii uu Markabku soo socday in ka badan 2,000 oo KM.

- Advertisement -

Dowladaha Talyaaniga, Malta, Faransiiska iyo Tunisia waxay Markabkaasai u diideen inuu ku soo xirto dekedaha ku yaalla dalalkooda.

Latest stories