HomeCaalamkaHay’ad Caalami ah oo soo bandhigtay tirada Carruurta Soomaaliyeed ee Sanadkaan la...

Hay’ad Caalami ah oo soo bandhigtay tirada Carruurta Soomaaliyeed ee Sanadkaan la askareeyay

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF waxay ka digtay inay  Malaayiin Carruur ah soo food saarayso Khatar, waxayna ku eedeysay Hoggaamiyayaasha Caalamka inay Carruurta ka badbaadiyaan in si ku-talagal ah loola baagsado dagaallka. Qiimeyn lagu sameeyey colaado 12-kii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay 18 dal oo ka tirsan Caalamka ayaa la […]

- Advertisement -

Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF waxay ka digtay inay  Malaayiin Carruur ah soo food saarayso Khatar, waxayna ku eedeysay Hoggaamiyayaasha Caalamka inay Carruurta ka badbaadiyaan in si ku-talagal ah loola baagsado dagaallka.

Qiimeyn lagu sameeyey colaado 12-kii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay 18 dal oo ka tirsan Caalamka ayaa la sheegay inay malaayiin carruur ah soo food saartay dhibaatooyin

- Advertisement -

Hay’adda UNICEF waxay sheegtay in Carruurta ku nool dalalka ay dagaalladu ka socdaan inay la kulmaan weerar toos ah, dil, dhaawac iyo in laga dhigto gabaad iyo in carruurta la askareeyo.

Warbixinta UNICEF waxay si gaar ah u qiimeysay xaalladda carruurta ku nool dalal ay ka mid yihiin Somalia, Syria, Yemen, Afganistan, Kongada Dimuqraadiga iyo Nigeria.

UNICEF waxay sheegtay in ka badan 1,800 oo Carruur Soomaali la askareeyey 9-kii bilood ee ugu horreysay sannadkan, iyadoo 1,278 ka mid ah carruurtaasi la afduubtay, waa sida ay UNICEF sheegtay.

- Advertisement -

Hay’adda waxay si guud u sheegtay inay Kooxaha hubeysan ee ku sugan gudaha Somalia ka dambeeyaan inay Carruurta u qortaan dagaalka, balse, Warbixinta laguma sheegin Kooxaha lagu eedeynayo arrimahaasi.

Latest stories