Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in 4 Sarkaal si xun loogu dhaawacay qarax lala beegsaday xilli ay la socdeen gaari ilaalo ka hayey dhulka xuduudka ee Kenya la wadaagto Somalia.
Qaraxaasi waxaa la sheegay inay 2 Askari ka badbaaday, iyadoo Askartii dhaawacantay la dhigay Isbitaalka Guud ee magaalladda Mandera.
Dhinaca kale, Ilo dhinaca Ammaanka Kenya ayaa sheegay inuu Nin asalkiisu Somali yahay oo waddada lugeynayey uu Bam Gacmeed la beegsaday garaigii ay Ciiddanka Boliska Kenya la socdeen.
Taliyaha Boliska Mandera, Kutswa Olaka waxa uu sheegay in Ninkii geystay qaraxaasi uu ka cararay goobta, isla markaana uu ka gudbay Xuduudka Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba ha ahaatee, Weerarkaasi waxa uu dhacay, xilli ay haweeneyda Wasiirka Difaaca ka ah Kenya, Rayshelle Omamo ay socdaal aan la shaacinin ku tegtay Saldhigyadda ay Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ee ku sugan Degaanadda Kul-biyow, Manda iyo Hulugho oo u dhow xuduudka Kenya.






