HomeCaalamkaMaxaa ka jira in Haweeney u dhalatay Talyaaniga ee laga soo Afduubtay...

Maxaa ka jira in Haweeney u dhalatay Talyaaniga ee laga soo Afduubtay Kenya lagu haayo Somalia?

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Taliyaha Boliska Gobalka Xeebta ee dalka Kenya, Nuux Mawivanda ayaa xaqiijiyey in Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Silva Romano weli lagu haysto gudaha Kenya, isla markaana ay ku raad-joogaan kooxihii qafaashay. Isagoo Suxufiyiinta kula hadlayey magaalladda Mombasa waxa uu sheegay inay hayaan Warbixin muhiim ah, isla markaana ay rumeysan yihiin inay Haweeneyda Talyaaniga weli nooshahay, laguna […]

- Advertisement -

Taliyaha Boliska Gobalka Xeebta ee dalka Kenya, Nuux Mawivanda ayaa xaqiijiyey in Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Silva Romano weli lagu haysto gudaha Kenya, isla markaana ay ku raad-joogaan kooxihii qafaashay.

Isagoo Suxufiyiinta kula hadlayey magaalladda Mombasa waxa uu sheegay inay hayaan Warbixin muhiim ah, isla markaana ay rumeysan yihiin inay Haweeneyda Talyaaniga weli nooshahay, laguna hayo gudaha Kenya.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay gacanta ku hayaan 5 qof, kuwaasi oo Boliska la wadaagay Xog ku aadan Afduubayaasha qafaashay Haweenyda u dhalatay Talyaaniga.

Boliska dalkaasi waxay horey u sheegeen inay hayaan xogo muujinaysa in Afduubayaasha Haweeneydaasi ula dhaqaaqeen magaalladda Garissa, isla markaana ay doonayaan inay ka sii gudbaan Xuduudka Somalia.

Silva Romano oo 23-jir ah una shaqeynaysay Hay’adda aan Dowli ahayn ee Africa Milele Onlus, waxaa bishii hore laga qafaashay guri ay ka degganayd Tuulladda Jakama ee duleedka magaalladda Xeebta leh ee Malindi ee Gobalka Kilifi ee dalkaasi.

- Advertisement -

Tan iyo wixii ka dambeeyey Afduubkeeda waxay Ciiddanka Boliska xireen in ka badan 100 qof oo lagu eedeynayo inay wax ka ogaayeen Afduubkaasi.

Latest stories