HomeCaalamkaHeshiiskii ay DFS la gashay 31 Shirkado Kalluumeysi oo digniin laga soo...

Heshiiskii ay DFS la gashay 31 Shirkado Kalluumeysi oo digniin laga soo saaray

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Wargeyska Quartz oo ay Xarumihiisa Dhexe ku kala yaallaan magaallooyinka New York iyo London waxa uu maanta Warbixin dheer ka qoray Heshiiskii ay DFS la gashay 31 Shirkado Kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha, kuwaasi oo loo fasaxay inay muddo sannad ah ka kalluumeystaan Badda Somalia oo ah tan ugu dheer Qaaradda Afrika.

Wargeyska waxa uu qormadiisa ku muujiyey in DFS ay ku han weyn tahay inuu Heshiiskaasi qeyb ka qaadan karo Kororka Dhaqaalaha dalka.

- Advertisement -

Wargeyska Quartz waxa kale oo uu qoray inay Maraakiibtaasi leeyihiin Ururka Kalluumeysatadda Shiinaha ee Overseas Fisheries Association, taasi oo ah Koox ka kalluumeysata Badda Fog, lana asaasay sannadkii 2012-kii, waa sida uu qoray Wargeyka Quartz.

Maraakiibtaasi oo bishan bilaabay inay ka jilaabtaan Badda Somalia ayaa  waxaa loo fasaxay inay ka hawl-galaan ilaa 24 nautical miles  oo u dhiganta 44-KM, si loo ilaaliyo hawlgalladda kalluumeysiga ee heerka yar.

Wargeysku waxa kale oo uu xusay in laga yaabo inay Burcad-baddeeda dib u soo laba-kacleeyaan, isla markaana ay qafaashaan Maraakiibta isticmaala badda Somalia, waa sida uu qoray Wargeyskaasi.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wargeyska Quartz waxa uu qoray in markii la shaaciyey Heskiiska ay DFS la gashay Shirkadaha Kalluumeysiga ee dalka Shiinaha waxaa warar aan la hubin la soo dhigayey Barta Twitter-ka, taasi oo lagu sheegay in Dowladda Shiinaha qaab dayn ah dib-u-dhisi doonto Dekedda magaalladda Muqdisho, iyadoo dhaafsan doonta Xuquuqda Kalluumeysiga iyo inay qeyb ka kontoroolaan Dekedda, ilaa laga bixinayo Kharajka Daynta, waa sida lagu qoray Wargeyska Quartz oo soo xigtay qoraalo la soo dhigay barta Twitter-ka.

Si kastab ha ahaatee, ma jiraan warar madax bannaan oo ka soo baxay Dowladdaha Somalia iyo Shiinaha oo ku aadan Warka lagu soo daabacay wargeyska QUARTZ .

Latest stories