HomeCaalamkaFarriin culus oo loo diray Madaxda Dowlad Goboleedyada

Farriin culus oo loo diray Madaxda Dowlad Goboleedyada

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Kulankii 817-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ku aadan Natiijadii ka soo baxday Guddigii Xaqiiqo-raadinta ee dhawaan booqashadda ku yimid magaalladda Muqdisho, kuwaasi oo u kuur-galay Hawlgalka AMISOM iyo Arrimaha Ammaanka iyo Siyaasadda Somalia. Wafdigaasi oo uu hoggaaminayey Safiirka dowladda Jabuuti u jooga Xarunta Dhexe […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kulankii 817-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeed ku aadan Natiijadii ka soo baxday Guddigii Xaqiiqo-raadinta ee dhawaan booqashadda ku yimid magaalladda Muqdisho, kuwaasi oo u kuur-galay Hawlgalka AMISOM iyo Arrimaha Ammaanka iyo Siyaasadda Somalia.

Wafdigaasi oo uu hoggaaminayey Safiirka dowladda Jabuuti u jooga Xarunta Dhexe ee Ururka AU-da ee magaalladda Addis Abeba, ahaana Madixii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee PSC, Ambassador Idris Maxamed Faarax waxay Warbixin dhamaystiran u gudbiyeen Guddiga Golahaasi oo ku aadan Natiijadda Safarkoodii Somalia ay ku tageen muddadii u dhexeysay 26-kii ilaa 28-kii November ee sannadkan.

- Advertisement -

War-murtiyeed laga soo saaray Kulanka Warbixinta ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) waxaa lagu xusay in guulo laga gaaray dadaalka Deganaanshaha Somalia, iyo xaaladaha   Ammaanka, Soo-kabashadda Dhaqaalaha, Caddaaladda Bulshadda iyo Siyaasad loo dhan yahay, Horumarinta Dhamaystirka Dastuurka KMG, Jadwalka Doorashadda 2020-ka iyo Kheyraad-wadaagga ee DF iyo Dowlad-gobaleedyadda.

War-murtiyeedka oo dhowr qoddob ka koobnaa waxa uu ugu baaqay DFS iyo Dowlad-

gobaleedyadda inay xaliyaan Khilaafkooda, isla markaana ay yeeshaan Wada-hadal xaqiiqo ah oo wax dhisaya, lana abuuro deganaansho siyaasadeed si loogu guuleysto Doorashadda ka dhacaysa qaar ka mid ah Maamul-gobaleedyaadda.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) waxay hoosta ka xariiqeen  muhiimadda ay leedahay  Dhismaha Awoodda  Ciiddanka Ammaanka Qaranka Soomaaliyeed ee SNSF, si ay mas’uuliyadda Ammaanka kala wareegaan AMISOM sannadka 2021-ka

Sidoo kale, Waxay kaloo ka hadleen Qorshaha ay AMISOM kaga baxayaan Somalia, waxayna ammaaneen ragga iyo dumarka ka tirsan AMISOM ee naftooda u huray Nabadda iyo Deganaanshaha Somalia iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts