HomeCaalamkaDhageyso:-Wariyeyaal laga hor-istaagay ka qeybgalka Munaasabad lagu xusayay Aas-aaska Ciidanka Booliska

Dhageyso:-Wariyeyaal laga hor-istaagay ka qeybgalka Munaasabad lagu xusayay Aas-aaska Ciidanka Booliska

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Wariyayaal ku sugan Magalada Baladweyne ayaa wax ay sheegeen in Maanta laga hor-istaagay inay ka qeyb galaan munaasabad lagu xusayay 75-guuradii kasoo wareegtay aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo lagu qabtay Baladweyne.

Wariye Bashiir Cabdullaahi Cismaan oo ka mid ah wariyeyaasha ka howlgalla Baladweyne ayaa sheegay in qaar ka mid ah Wariyeyaasha Maanta loo diiday inay Warar kasoo duubaan Munaasabadii Maanta ee aas=aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in bilihii la soo dhaafay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ay caburin ku haayeen wariyeyaasha oo qaarkood wareystay mas’uuliyiinta Maamulka oo uu khilaaf xoogan ka dhexjiro.

Dhinaca kale waxaan xiriir la sameynay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Hir-Shabeelle oo uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas Maxamed Xasan Kulmiye,waxaana uu sheegay in Wariyeyaasha Maanta munaasabada laga celiyay ay ahaayeen kuwo tiro yar oo mararka qaarkood warar aan jirin Maamulka ka faafiya.

Dhageyso Wareysiga Wariye Bashiir Cabdullaahi Cismaan.

Latest stories