HomeCaalamkaTaliye Cusub oo loo Magacaabay Ciidanka Uganda ee jooga Somalia

Taliye Cusub oo loo Magacaabay Ciidanka Uganda ee jooga Somalia

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Uganda ayaa lagu sheegay in Isbedel lagu sameeyey Taliska Ciiddanka Uganda ka jooga Somalia ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM. Taliyihii  Qeybta 5-aad ee Ciiddanka Uganda ee ku sugnaa Waqooyiga dalkaasi, Sarreeye Guuto Michael Kabango ayaa la sheegay in loo soo magacaabay inuu Taliye u noqdo Ciiddanka […]

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dalka Uganda ayaa lagu sheegay in Isbedel lagu sameeyey Taliska Ciiddanka Uganda ka jooga Somalia ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Taliyihii  Qeybta 5-aad ee Ciiddanka Uganda ee ku sugnaa Waqooyiga dalkaasi, Sarreeye Guuto Michael Kabango ayaa la sheegay in loo soo magacaabay inuu Taliye u noqdo Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

- Advertisement -

Taliyaha Cusub waxa uu beddeli doonaa Taliyahii Ciiddankaasi, Sarreeye Guuto Paul Lokech, kaasi oo isaga sannadkii hore xilkaasi kala wareegay Taliyihii ka sii horreeyey oo lagu magacaabo Muhanga Kayanja.

Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Richard Karemire oo la hadlay Warbaahinta dalkiisa waxa uu xaqiijiyey Isbedelkaasi iyo Taliyaha Cusub ee loo magacaabay Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Waxa uu sheegay in Taliyaha cusub, Michael Kabango xilkaasi loo magacaabay bisahan, wuxuuna xusay inuu yahay Askari Khibrad leh, kuna dheer tahay Waddaniyadda Afrikaanismka (Pan-Africanist), waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Taliyaha Cusub ee Ciiddanka Uganda ka jooga Somalia, Sarreeye Guuto Michael Kabango oo la hadlay Wrabaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Xilkaasi, isla markaana uu ku sii jeedo dalka Somalia.

In ka badan 6,00 oo Askar u dhalatay  dalka Uganda ayaa waxay qeyb ka yihiin Hawlgalka AMISOM, waana ciiddanka ugu badan ee qeybta ka ah Hawlgalkaasi.

Latest stories