HomeCaalamkaAxmed Madoobe oo kulan qarsoodi ah Gaarisa kula qaatay Odayaal kasoo jeeda...

Axmed Madoobe oo kulan qarsoodi ah Gaarisa kula qaatay Odayaal kasoo jeeda Jubbaland

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu socdaal qarsoodi ah ku tegay W/bari, xilli ay isaga foodda ku soo hayso Doorashadda Madaxtinimadda ee Jubbaland.

Ilo-wareedyo la hadlay Wargeyska Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa sheegay  inuu Axmed Madoobe u ololeynayo sidii uu taageero uga heli lahaa Beesha uu ka soo jeedo, kuwaasi oo ay badankooda ku nool gudaha dalka Kenya, waa sida uu Wargeysku qoray.

- Advertisement -

Axmed Madoobe waxa uu kulamo qarsoodi ah la yeeshay Siyaasiyiinta iyo Hoggaamiye-dhaqameedyadda ku sugan magaalladda Garissa, si ay u taageeraan Dib-u-doorashadiisa.

Socdaalka Taageero-raadintiisa waxay ku soo beegantay iyadoo la filayo inay Doorashadda Madaxweynenimadda Jubbaland la qabto bisha soo socota ee Janaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka didsan qaar ka mid ah Murashixiinta isaga kula tartami doono xilkaasi, wuxuuna tuhunsan yahay  Murashixiin la sheegay inay Dowladda Madaxweyne Farmaajo taageerayso.

- Advertisement -

Hoggaamiyaha Jubbaland waxa uu Baraha Bulshadda soo dhigay isagoo kulan la leh mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee ugu caansan Garissa, oo lagu magacaabo Caaqil Osman Ibrahim, balse Caaqilkaasi oo la hadlay Wargeysska Nation waxa uu sheegay inuusan Axmed Madoobe kala hadlin arrimo khuseeya Walaaca labada dal ee Doorashadda soo socota ee Jubbaland.

Latest stories