HomeWararNin Somali ah oo lagu eedeeyay in uu qarxin lahaa kaniisadda ugu...

Nin Somali ah oo lagu eedeeyay in uu qarxin lahaa kaniisadda ugu weyn Talyaaniga oo la xiray

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Nin Somali ah  ayaa waxa bishan December 13-dii lagu qabtay magaalladda Baari ee Koonfurta dalka Talyaaniga, kadib, markii ay Ciiddanka Khaaska ee La-dagaalanka Maafiyadda iyo Argagixisadda  e edalka Talyaaniga ee loo yaqaano DDA ka duubeen Cod Telefoon isagoo dad kale la hadlayey, kuna baaqayey  in miinooyin lagu wada xiro Kaniisadaha ku yaalla dalkaasi. Wakaalladda Wararka […]

- Advertisement -

Nin Somali ah  ayaa waxa bishan December 13-dii lagu qabtay magaalladda Baari ee Koonfurta dalka Talyaaniga, kadib, markii ay Ciiddanka Khaaska ee La-dagaalanka Maafiyadda iyo Argagixisadda  e edalka Talyaaniga ee loo yaqaano DDA ka duubeen Cod Telefoon isagoo dad kale la hadlayey, kuna baaqayey  in miinooyin lagu wada xiro Kaniisadaha ku yaalla dalkaasi.

Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA waxay galabta qortay in Ninka Soomaaliga laga duubay Codad ay ka mid ahaayeen  isagoo oranaya: “ Aan bambooyin ku beerno dhamaan Kaniisadaha ku yaalla Talyaaniga Hakee ayey u taalla Kaniisadda ugu weyn. Ma waxay ku taalla gudaha magaalladda Rome”.

- Advertisement -

Eedeysanaha oo 20-jir ah waxaa la qabtay bishan 13-dii, xilli uu doonayey inuu ka baxsado magaalladda Baari.

Eedeysanahaasi Soomaali oo aan magaciisa iyo muuqaalkiisa weli aan la soo bandhigin waxay Ciiddanka Khaaska ee Boliska magaalladda Baari (DIGOS Special Security Police) rumeysan yihiin inuu xiriir la leeyahay Kooxda Daacish-ta ku sugan Somalia, isla markaana uu la xiriiri jirey mid ka mid ah Unugyadda Hawlgalka ee Daacish.

Dhinaca kale, Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA waxay qortay inay Ciiddanka Dembi-baarista Federalka Maraykanka ee FBI gacan ka geysteen Baaritaanka iyo dabagalka Ninka Soomaaliga ee ku eedeysan inuu qarxin lahaa Kaniisadda ugu weyn ee ku taalla caasimadda dalka Talyaaniga ee Rome iyo kuwo kale.

- Advertisement -

Xigasho: ansa.it

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories