HomeCaalamkaMareykanka oo sheegtay in uu duqeyn ku dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Mareykanka oo sheegtay in uu duqeyn ku dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Qoraal ay Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Afrika ee AFRICOM soo dhigeen Bartooda Twitter-ka iyo Page-kooda waxay ku sheegeen inay dhowr jeer duqeyn dhinaca Cirka ah ku qaadeen Fariisimo ay Alshabaab ku leeyihiin Deegaanka Gendershe ee Gobalka Sh/Hoose.

AFRICOM waxay sheegtay si loo taageero dadaalka socda ee DFS ku doonayso inay wiiqaan Alshabaab inay Maraykanka fuliyeen duqeymo Diyaaradeed oo lala beegsaday Fariisimadda Alshabaab ee Gendershe, waa sida ay hadalka u dhigeen.

- Advertisement -

Qoraalka AFRICOM waxay ku sheegeen inay bishan 15-da iyo 16-dii dhowr duqeyn la beegsadeen Alshabaabka ku sugan Deegaanka Gendershe, waxayna AFRICOM xustay in duqeynta 1-aad ku dileen 34 ka tirsan Alshabaab, halka duqeyntii xigtayna ay ku dileen 28 ka tirsan Alshabaab, waa sida ay AFRICOM sheegatay.

Dhinaca kale, Taliska Milliteriga Maraykanka ee AFRICOM waxay kaloo xuseen  inay Taliska AFRICOM iyo DFS iska kaashadeen dhamaan duqeymahaasi, si looga hortago weeraradda mustaqbalka ee Alshabaab, waa sida hadalka loo dhigay.

Sidoo kale, AFRICOM waxay sheegtay inay sii wadayaan sidii ay Saaxiibadda ay  wada-shaqeynta leeyihiin ugala shaqeyn lahaayeen sidii ay AMISOM ugu wareejin lahaayeen DFS iyo Maamul-gobaleedyadda mas’uuliyadda Ammaanka Somalia ee muddada dheer.

Latest stories