HomeWararAMISOM oo beenisay inay ku lug lahayd qabashadii Mukhtaar Roobow iyo in...

AMISOM oo beenisay inay ku lug lahayd qabashadii Mukhtaar Roobow iyo in loo soo gudbiyo Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

War-saxaafadeed uu Ergayga Khaaska ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, ,Ambassador Francisco Madeira waxa uu kaga hadlay Xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalladda Baydhabo iyo Xarigii Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo ka mid ahaa Murashixiinta u taagan Doorashada Madaxweynenimadda ee Maamul-gobaleedka K/Galbeed ee Somalia. Ambassador Madeira waxa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

War-saxaafadeed uu Ergayga Khaaska ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, ,Ambassador Francisco Madeira waxa uu kaga hadlay Xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalladda Baydhabo iyo Xarigii Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo ka mid ahaa Murashixiinta u taagan Doorashada Madaxweynenimadda ee Maamul-gobaleedka K/Galbeed ee Somalia.

Ambassador Madeira waxa uu tilmaamay inuu doonayo inuu u sheego  Dadweynaha iyo kuwa ay wada-shaqeynta la leh inaysan Ciiddanka AMISOM qeyb ka ahayn qabashadii Mukhtaar Roobow iyo in loo soo gudbiyo magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Qoraalkiisa waxa uu ku xusay inay AMISOM sii wadi doonto Aqoonsiga iyo Xushmeynta  Madax-bannaanida Dadka iyo Dowladda Somalia, wauxuuna ku celceliyey inay AMISOM ku nagaanayso Dhexdhexaadnimadooda  iyo Fulinta Waajibaadkooda ee Hawlgalka ay u joogaan Somalia.

Dhinaca kale, Ergayga Khaaska ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, ,Ambassador Francisco Madeira waxa uu ugu baaqay dhamaan dhinacyadda ay khuseyso Xiisaddaas inay xaliyaan arrimaha ku aadan Xiisadda haatan ka taagan Somalia iyo Doorashooyinka soo socda ee Maamul-gobaleedka K/Galbeed Somalia, isla markaana ay AMISOM  xushmeyn doonto Sharciga, Dhaqanka  iyo Qiimaha dadka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed Ambassador  Madeira  waxa uu ugu dambeyntii ku muujiyey inay aad uga xun yihiin dadka noloshooda ku waayey  rabshadihii Baydhabo, wuxuuna Tacsi u diray qoysaska ay ehelkooda ku geeriyoodeen Baydhbao, wuxuuna sidoo kale caafimaad u rajeeyey kuwa ku dhaawacmay  dhacdadaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts