HomeCaalamkaSawirro:-Shir looga hadlayo hanaanka Maaliyadeed ee Federaalka oo Muqdisho ka furmay

Sawirro:-Shir looga hadlayo hanaanka Maaliyadeed ee Federaalka oo Muqdisho ka furmay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay kulan shaqo oo ay si wadajir ah u wada qabanayaan Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka, Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha, kaasoo ku saabsan hannaanka maaliyadeed ee Federaalka iyada la waafajinayo dib-u-eegista Dastuurka. Furitaanka shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Hantidhowrka Guud ee Qaranka, Wasiir […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay kulan shaqo oo ay si wadajir ah u wada qabanayaan Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka, Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha, kaasoo ku saabsan hannaanka maaliyadeed ee Federaalka iyada la waafajinayo dib-u-eegista Dastuurka.

Furitaanka shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Hantidhowrka Guud ee Qaranka, Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dastuurka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka hadlay ujeeddada shirka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiimad gaar ah u leh Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

“Sidaa ogtihiin waxaa dalka ka socda Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka waxaana naga go’an in wax walba oo quseeya Dastuurka oo ay kamid tahay Xulushada Hannaanka Maaliyadda Federaalka si qoto dheer looga doodo” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dhankiisa sheegay in Wasaaradiisu ka go’antahay inay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka kala shaqeyso arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee quseeya arrimaha Federaalka.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Avv. Mahdi Maxamed Guuleed oo shirka furay ayaa yiri “Waxaan ku bogaadinaya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka sida wanaagsan ee ay uga shaqeyneyso arrimaha dib-u-eegista Dastuurka, waxaan aqoonyahanada ka soo qeybgalay shirkan kula dardaarmayaa inay maskaxdooda tuujiyaan oo aad soo saartaan xulashooyin wax ku ool ah oo quseeya Hannaanka Maaliyaadda Federaalka”.

Ugu dambayn, shirkan oo socon doona muddo seddex maalin ah oo ay ku kulmeen madax katirsan DFS iyo aqoonyahanno ku xeeldheer arrimaha maaliyadda ayaa marka uu dhamaado laga soo saari doonaa xulashooyin ku saabsan sidii loo federaaleyn lahaa hannaanka maaliyadda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts