HomeCaalamkaSawirro:-Dowladda Federaalka oo biloowday bixinta ruqsadaha kaluumeysi ee badda Soomaaliya

Sawirro:-Dowladda Federaalka oo biloowday bixinta ruqsadaha kaluumeysi ee badda Soomaaliya

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Munaasabadaan Taariikhiga ah oo hadafkeedu ahaa daahfurka bixinta Ruqsadaha kallumeysiga ee badweynta Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka dalka, Wasiirada Kaluumeysiga iyo shaqada iyo arrimaha bulshada, Safiirada dalalka China iyo Talyaaniga, iyo madax ka socotay Bangiga aduunka iyo FAO. Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame oo ugu […]

- Advertisement -

Munaasabadaan Taariikhiga ah oo hadafkeedu ahaa daahfurka bixinta Ruqsadaha kallumeysiga ee badweynta Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka dalka, Wasiirada Kaluumeysiga iyo shaqada iyo arrimaha bulshada, Safiirada dalalka China iyo Talyaaniga, iyo madax ka socotay Bangiga aduunka iyo FAO.

Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame oo ugu horeyn munaasabada ka hadlay Ayaa sharaxay heshiiskaan iyo waxa uu ku saabsanyahay, wuxuuna dhinaca kale fariin u diray maraakiibta sida sharci darada ah uga kallumeysta badaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in heshiisyadaan laga dhaxli doono shaqo abuur iyo dhaqaalaha dalka oo kobca .

Ra’iisul wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  oo daahfuray mashruuca  ayaa sheegay in arrintaan ay cadeyn u tahay horumarka uu dalku ku tilaabsanayo, wuxuana intaa ku daray in daqliga mashruucaan kasoo xarooda lagu shubi doono bangiga dhexe ee dalka.

Wasiirka kaluumeysiga ayaa ugu dambeyn warqado ruqsado ah u saxiixay shirkado ka socday dalka China, kuwaas oo soo buuxiyey dhammaan  shuruudihii laga rabay, arrintaana waa  guul kale oo taariikhi ah oo ay gaartay dawladda Soomaaliya maadaama heshiiskaan uu soo afjarayo marakiibta iyo doomihii sida sharci daradda ah uga kaluumeysan jiray baddaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Latest stories