HomeCaalamkaSawirro:-Ciidamo dhamaystay Hawlgalkii ay Somalia u joogeen oo la abaal mariyey

Sawirro:-Ciidamo dhamaystay Hawlgalkii ay Somalia u joogeen oo la abaal mariyey

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Pheromone Maxxing:Rag Ka Taga Qubayska Si Ay U Soo Jiitaan Dumaraka.

Dhaqan cusub oo TikTok ku faafaya ayaa ragga qaar ku dhiirrigelinaya inay iska dhaafaan qubayska iyo deodorant-ka, iyagoo aaminsan in urta dabiiciga ah ay kordhin karto soo jiidashada.

Xasuuqii Rwanda: Nin Xabsi Daa’in Lagu Xukumay

Maxkamad ku taalla The Hague ayaa xabsi daa’in ku xukuntay muwaaddin Rwanda ah oo lagu helay dambiyo la xiriira xasuuqii 1994, kaddib baaritaan socday sannado iyo marqaatiyo badan oo la dhageystay.

Wargeyska New Vision ee ka soo baxa Kampala ayaa qoray inay Saraakiisha Midowga Afrika ee ku sugan Somalia ay abaalmarin Billado ah guddoonsiiyeen Ciiddan ka socday Uganda, kuwaasi oo muddo hal sanno qeyb ka ahaa Ciiddanka Hawlgalka AMISOM. Munaasabad lagu abaalmarinayey Ciiddankaasi oo ah Kooxdii 23-aad ee ka socotay Ciiddanka Uganda ayaa lagu qabtay Xarunta […]

- Advertisement -

Wargeyska New Vision ee ka soo baxa Kampala ayaa qoray inay Saraakiisha Midowga Afrika ee ku sugan Somalia ay abaalmarin Billado ah guddoonsiiyeen Ciiddan ka socday Uganda, kuwaasi oo muddo hal sanno qeyb ka ahaa Ciiddanka Hawlgalka AMISOM.

Munaasabad lagu abaalmarinayey Ciiddankaasi oo ah Kooxdii 23-aad ee ka socotay Ciiddanka Uganda ayaa lagu qabtay Xarunta AMISOM oo ku taalla Xeradda Xalane ee magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Ciiddankaasi  waxay Somalia joogeen tan iyo bishii Janaayo 1-dii ee sannadkan, waxaana Taliye u ahaa Sarkaal lagu magacaabo Kolonel Eliazari Zake Okolong.

Hdaal qoraal oo uu soo saaray Ku-xigeenka Afhayeenka Guud ee Ciiddanka Uganda, Kolonel Deo Akiiki  waxa uu ku sheegay in Ciiddankaasi abaalmarinta lagu siiyey Munaasabad aad u qurux badan oo lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Danjiraha Uganda u jooga Sonalia, General Nathan Mugisha waxa uu Ciiddankaasi ku bogaadiyey Hawshii wanaagsan ee ay qabteen muddadii ay qeybta ka ahaayeen Hawlgalka AMISOM.

- Advertisement -

Munaasabadda Ciiddankaasi lagu guddoonsiiyey Abaalmarinadda waxaa goobjoog ka ahaa Hawl-fuliyaha Milliteri ee Safaaradda Uganda iyo Saraakiil ka kala socday QM, AU-da iyo Taliska Ciiddanka AMISOM.

Latest stories