HomeCaalamkaGaroonka Muqdisho oo laga soo dejiyay Maxaabiis laga soo daayey Dalka Tanzania

Garoonka Muqdisho oo laga soo dejiyay Maxaabiis laga soo daayey Dalka Tanzania

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ergayga xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u qaabishan muhaajiriinta, qaxootiga iyo xaquuqda caruurta, Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf, iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay mawaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daayay xabsiyada dalka Tanzania. Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa sheegtay intii uu socday qorshaha soo daynta mawaadiniintaan ay safar ku tagtay magaalada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ergayga xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u qaabishan muhaajiriinta, qaxootiga iyo xaquuqda caruurta, Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf, iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay mawaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daayay xabsiyada dalka Tanzania.

Maryam Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa sheegtay intii uu socday qorshaha soo daynta mawaadiniintaan ay safar ku tagtay magaalada Darussalam ee dala Tanzania iyada oo fulinaysa amarka madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaarha Soomaaliya kadibna ay dawladda dalkaas kala hadashay in mawaadiniinta Soomaaliyeed ee xabsiyada ku jira xorriyadooda loo soo celiyo, laguna soo wareejiyo dawladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta markii ay mawaadiniintu kasoo degeen garoonka diyaaradaha waxa uu iyaga iyo eheladooda kula hadlay qadka taleefoonka, isaga oo u sheegay in hoggaanka dalka ay muhiimadda koowaad u tahay badbaadinta dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida uga suganyihiin.

Waalidiinta dhalay mawaadiniita Soomaaliyeed ee xabisyada Tanzania laga soo saaray oo horay uga codsaday dawladda soo daynta carruurtooda, ayaa uga mahadceliyay dadaalka ay ku badbaadiyeen wiilashooda.

Dhallinyada laga soo daayay xabsiyada Tanzania ee maanta dalka lagu soo dhaweeyay ayaa dhankooda uga mahadceliyay dawladda dib-u-helidda xorriyaddii sannadaha badan ka maqnayd.

- Advertisement -

Dawladda Soomaaliya ayaa horay xabsiya ku yaalla dalal kala duwan waxa ay uga soo daysay mawaadiniin Soomaaliyeed oo qaarkood sannaddo badan ku xirnaa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts