HomeCaalamkaDenmark oo Qaxooti ay Soomaali ku jiraan dejineysa Jesiirad horey u ahayd...

Denmark oo Qaxooti ay Soomaali ku jiraan dejineysa Jesiirad horey u ahayd Qabuuraha Eeyda iyo Doofaarka

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Dowladda Denmark oo ay ay hoggaamiyaan Isbahaysiga Garabka Midig waxay dhawaan ku dhawaaqeen inay qaar ka mid ah Qaxootiga ku sugan dalkooda dib loo dejin doono Jesiiradda lagu magacaabo Lindholm. Wargeyska The New York ee ka soo baxa dalka Maraykanka waxa uu dhawaan qoray in Qaxootiga oo ay ku jiraan kuwa ka soo jeeda Soomaali […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Denmark oo ay ay hoggaamiyaan Isbahaysiga Garabka Midig waxay dhawaan ku dhawaaqeen inay qaar ka mid ah Qaxootiga ku sugan dalkooda dib loo dejin doono Jesiiradda lagu magacaabo Lindholm.

Wargeyska The New York ee ka soo baxa dalka Maraykanka waxa uu dhawaan qoray in Qaxootiga oo ay ku jiraan kuwa ka soo jeeda Soomaali la qorsheynayo in lXero looga sameeyo Jesiiradaasi oo ay horey ugu yaalleen Shaybaarka Cudduradda Xoolaha iyo Qabuuraha u gaarka Doofaarka iyo Eeyda.

- Advertisement -

Dowladda Denmark waxay Jimcihii la soo dhaafay inay Jesiiradda Lindholm hoy uga dhigi doonaato 100 Qaxooti oo ka mid ah Muhaajiriinta magangelyo-doonka ee ku nool dalkooda.

Dowladda waxay qorsheynaysaa in sannadka soo socda la nadiifin doono Jesiiradda, si Qaxootigaasi loo dejiyo sannadka 2021-ka.

Qaxootiga la dejinayo Jesiiraddaasi ayaa la tilmaamay inay noqon doona kuwa Codsiyadooda Magangelyo-doonka lagu gacan-sayray ee aan dalalkooda loo soo masaafurin Karin iyo Muhaajiriinta loo diiwaan-geliyo Dembiyadda.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Haweeneyda Wasiirka Socdaalka iyo Is-dhexgalka Bulshadda ee dalka Denmark, Inger Stojberg waxay Barteeda Facebook ku qortay in loo baahan yahay Qaxootiga ku nool dalkaasi dareemaan inay yihiin dad aan lagu casuumin Denmark.

Madaxa QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha, Michelle Bachelet, waxay walaac xooggan ka muujisay Qorshahaasi, waxayna sheegtay inay Dowladda Denmark kala hadli doonto sidii loo joojin lahaa qorshahaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts