HomeCaalamkaCabsi ka jirta Xerada Xalane iyo Shaqaalaha Soomaalida oo loo diiday inay...

Cabsi ka jirta Xerada Xalane iyo Shaqaalaha Soomaalida oo loo diiday inay galaan

Date:

Related stories

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Soomaalida Haysta TPS-ka Oo Wajahaya Isbeddel Sharci

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Boston ayaa u oggolaatay maamulka Trump inuu sii wado joojinta TPS-ka Soomaalida, taas oo saameyn karta in ka badan 1,000 qof oo ku nool Mareykanka.

Xog hoose oo loo soo dusiyey Radio Dalsan ayaa lagu sheegay in Boqolaal Shaqaale Soomaali ah oo u shaqeyn jirey Hay’addaha QM iyo Shirkadaha Caalamiga ee ku sugan Xarunta Xalane laga joojiyey inay u shaqo tagaan Xalane, sababo aan la shaacinin, inkastoo la hadal-hayo Cabsi dhinaca Ammaanka oo ku wajahan Xeradda Xalane. Maalintii Sabtida ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xog hoose oo loo soo dusiyey Radio Dalsan ayaa lagu sheegay in Boqolaal Shaqaale Soomaali ah oo u shaqeyn jirey Hay’addaha QM iyo Shirkadaha Caalamiga ee ku sugan Xarunta Xalane laga joojiyey inay u shaqo tagaan Xalane, sababo aan la shaacinin, inkastoo la hadal-hayo Cabsi dhinaca Ammaanka oo ku wajahan Xeradda Xalane.

Maalintii Sabtida ee toddobaadkan, kuna beegnayd bishan December 1-dii ayaa la sheegay in inta badan shaqaalaha Soomaalida lagu wargeliyey inaysan Xeradda Xalane u soo shaqo tegi Karin ilaa amar dambe, halka qaar ka mid ah shaqaalahaasi laga celiyey Albaabka Weyn ee laga galo Xeradaasi.

- Advertisement -

Wararku waxay sheegayaan inuusan jirin Qoraal Rasmi ah oo Shaqaalaha Soomaalida looga mamnuucay inay soo galaan Xaradda Xalane ee ay ka shaqayn jireen, balse ay Saraakiisha Xaruntaasi door bideen inay shaqaalahaasi siiyaan Wargelin Afka ah.

Shaqaalaha Soomaalida ee uu saameeyey amarkaasi ayaa waxay isugu jiraan Turjumaano, Cunto-kariyayaal, Shaqaalaha Dhismaha iyo Ganacsato mehrado ku dhex leh gudaha Xalane.

Dhinca kale, dhamaan Shaqaalaha Soomaalida ee u shaqeyn jirey Hay’dda QM ugu qaabilsan Barnaamijyadda Horumarinta ee UNDP waxaa lagu wada amray inay guryahooda iska joogaan, isla markaana loo yeeri doono marka la qaado Amarka looga mamnuucay inay soo shaqo tagaan.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, ma ah markii ugu horreysay ee Shaqaalaha Soomaalida lagamamnuuco inay u shaqo tagaan Xeradda Xalane, balse ma kala cadda sababaha rasmiga ee Shaqaalaha Soomaalida xilligan looga mamnuucay inay u shaqo tagaan Xarunta Xalane oo Hoy iyo Xafiisyo u ah Hay’addaha QM, Hawlgalka AMISOM, Safaarado, Shirkado iyo Hay’addo Amni oo Shisheeye ah

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts