HomeCaalamkaSawirro:-Golaha Aqalka sare oo Maanta yeeshay kulan muhiim ah

Sawirro:-Golaha Aqalka sare oo Maanta yeeshay kulan muhiim ah

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Kulanka maanta ee Golaha Aqalka sare oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ajandihiisu wuxuu ahaa ka doodista iyo su’aalo weydiin Hindise-sharciyeedka la dagaalanka musuq- maasuqa,waxaana goojoog ahaa Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah senatarada oo aragtidooda ka dhiibtay hindise-Sharciyeedka la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa sheegay in qodobada qaar muhiim tahay in wax ka badel lagu sameeyo.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Owqaafta ,Xuquuqul Insaanka , Haweenka iyo Carruurta Golaha Aqalka sare Senator Samsam Ibraahin oo qodobada qaar jawaab ka bixisay ayaa sheegtay in fikradaha ay senatarada soo jeediyeen la tixgelin doono.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa uga mahad celiyay Guddiga Garsoorka Golaha Aqalka sare sida ay uga shaqeeyeen Hindise-sharciyeedka iyo fikradaha nadiifka ah ee senatarada soo jeedinayeen.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo kullanka soo xiray ayaa sheegay in maalinta tallaadada la isugu soo labanaya guddiga laga doonayo iney qoraalka ku soo daraan fikradaha la soo jeediyay ee la isku raacay.

- Advertisement -

Hindise-sharciyeedka la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa waxaa soo gudbiyay Wasaaradda cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,iyadoo horay ay u soo ansixiyeen Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Latest stories