HomeCaalamkaSawirro:-G/Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha M/Nairobi oo kulan muhiim ah yeeshay

Sawirro:-G/Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha M/Nairobi oo kulan muhiim ah yeeshay

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Guddoomiyaha magaalada Nairobi Mike Sonko, iyagoo ka wada hadlay sidii loo abuuri lahaa iskaashi dhinacyo badan taabanaya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixinno dhinacyo badan taabanaya ka siiyey dhiggiisa magaalada Nairobi isbadellada dhinacyada horumarka ee sanadihii la soo dhaafay la gaaray iyo sida ay muhiimka u tahay in labada dhinac ay sameystaan iskaashi ku qotoma danaha labada Caasimadood.

- Advertisement -

Eng. Yarisow ayaa xusay in magaalada Muqdisho oo ahayd mid kamid ah Caasimadaha ugu bilicda san Afrika ay xiligan ku jirto dib-u-soo kabasho, lagu soo celinayo kaalintii ay caalamka ku lahayd, iyadoo ay lagama maarmaan tahay in Caasimadaha kale ee dalalka dariska ah ay uga daydaan horumarrada kala duwan.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyey bushada Kenya sida walaaltinimada ah ee ay u soo dhaweeyeen shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in magaalada Nairobi ay door muhiim ah ka qaadatay dib-u-soo-celinta Dawladnimada Soomaaliya, iyadoo lagu qabtay shirar door ah oo dib loogu unkayo Dawlad Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Magaalada Nairobi Mike Sonko ayaa bogaadiyey qorsheyaasha dib-u-soo-kabashada iyo xaqiijinta hiigsiyada ay tiigsanayaan Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo xustay sida ay uga go’an tahay in ay kaalintooda ka geystaan soo celinta bilicdii ay Muqdisho caanka ku ahayd.

- Advertisement -

Latest stories