HomeCaalamkaDhakhtar Sarqaansanaa oo qalliin ku dilay hooyo iyo canugeeda

Dhakhtar Sarqaansanaa oo qalliin ku dilay hooyo iyo canugeeda

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Dhakhtar ka hawlgala Cisbitaal ku yaalla gobolka Gujarat ee galbeedka dalka Hindiya ayaa la xiray ka dib markii isaga oo khamraysan uu qaliin ku sameeyay haweenay xaamilo ah, sida ay booliisku u sheegeen BBC.

Ilmihii yaraa ayaa isla markiiba dhintay, hooyadiina wax yar ka dib ayay dhimatay.

- Advertisement -

Booliska ayaa sheegaya in qalabka lagu baaro darooga uu u xaqiijiyay in dhaktarka uu khamri cabay.

Waxay hadda baaritaan ku sameynayaan in haweeneyda ay dayac u dhimatay ama ay eersatay xaalad caafimad oo soo wajahday.

Dr PJ lakhani wuxuu ka mid yahay dhakhaatiirta ugu khibrada badan dalka Hindiya wuxuuna 15 sano ka shaqeynayay cisbitaal ay dowladda maamusho.

- Advertisement -

Kamini Chachi, ayaa la keenay cisbitaalka galankii dambe ee Isniintii iyadoo foolanaysa.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheetay in qoyska oo ka warsugayay natiijada qaliinka lagu wargeliyay in cunugii uu dhintay, hooyadiina ay aad u dhiig baxayso.

Intaas ka dib ayaa qoyska gabadha waxay go’aan ku gaaren inay geeyan cisbitaal si gaar ah loo leeyahay, balse nasiib daro waxay nafta ka baxday iyadoo cisbitaalka loo sii wado.

.Booliska ayaa uu sheegay BBC-da in Diktoor Lakhani uu iyaga soo wacay oo uu caawin ka codsadayy isagoo ka cabsi qaba in qoyska ay weerar u geystaan marka ay ogaadaan dhimashada.

“Markaan Cisbitaalka gaarnay ayaan ogaanay in uu khamreysnaa sidaas daraadedna xabsiga ayaan u taxaabnay” ayuu yiri HR Goswami oo booliska ka tirsan.

Cisbitaalka ayaa guddi u saaray in baaritaan ay ku sameeyan waxa sababay dhimashadeeda.

Latest stories