HomeCaalamkaSawirro:-Soomaaliya oo shir guddoomin doonta Sanadkan Shirka Jamaacadda Carabta

Sawirro:-Soomaaliya oo shir guddoomin doonta Sanadkan Shirka Jamaacadda Carabta

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Daahir Geele Maxamuud ayaa kulanka uu xafiiskiisa kula qaatay safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Dalkeena Soomaaliya Danjire Xamuud Samraan Al-Xuwayti waxa ay  kaga wada hadleen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa horumarinta dhaqaalaha Dalka, iyadoo safiirku uu kormeeray qeybta Telefishinka Qaranka oo dib u dhis lagu sameeyay waxaa kaloo ay kawada hadleen shirka Jaamacadda Carabta oo dhici doono 17.iyo 18. bisha soo socota ee December ee kal fadhiga 151 ee Jaamacada Carabta  waxaana lagu wadaa in Soomaaliya ay shir guddoon ka noqoto.

Danjire Al-Xuwayti ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta waxa uu bogaadiyay Xariirka Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, sidoo kale waxa uu ku amaaanay Madaxda Wasaaradda sida dhallinyaradu ay ugu dhiibtay xilaka Wasaaradda.

- Advertisement -

“Waxaan kala hadlay Shirka Jaaamacadda Carabta ee kalfadhiga 151 aad ayaa lagu wadaa in Soomaaliya ay shir guddoon ka noqoto, waxaana u dhacayaa 17-18 bisha soo socoto ee December iyo xariirka wanagsan ee ka dhaxeeyay Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya”ayuu yiri Danjire Al-Xuwayti.

Wasiir Daahir Geele ayaa ku bogaadiyay Jaamacadda Carabta Garab istaaga waqtigii adkaa ee nasoo maray iyo dib u kabashada Dalka Hada uu jiro.

“Jaamacadda Carabta waxaan kaga mahadcelinaynaa garabistaaga waqtigii adkaa ee nasoo maray iyo dib u kabashada hadda aan ku jirno, wuxuu booqday howlaha ka socda Wasaardda anagana waxaan jecelnahay si walaatinimo iyo saaxiibtinimo ay ku jirto aan usii xoojino xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta ka dhexeeya” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

- Advertisement -

Latest stories