HomeCaalamkaSawirro:-Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay Wafdi ka Socda Midawga Afrika

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay Wafdi ka Socda Midawga Afrika

Date:

Related stories

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heerkiisu sarreeyo oo ka socda golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo Soomaaliya ku yimid booqasho rasmi ah oo sedax maalin qaadanaysa. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo xubnaha wafdiga ayaa ka wada hadlay horumarrada laga gaaray qorshaha mas’uuliyadda amniga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heerkiisu sarreeyo oo ka socda golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo Soomaaliya ku yimid booqasho rasmi ah oo sedax maalin qaadanaysa.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo xubnaha wafdiga ayaa ka wada hadlay horumarrada laga gaaray qorshaha mas’uuliyadda amniga dalka ay kula wareegayso dawladda federaalka Soomaaliya, tababarka iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliya si qorshaha kala guurka loogu dhaqan geliyo hannaankii horay loogu qorsheeyay.

- Advertisement -

Safiirka Djbouti u fadhiya dalka Ethiopia, Mohamed Idriss Farah, ahna guddoomiyaha xilligaan ee golaha amniga iyo nabadgelyada Midawga Afrika oo hoggaaminaya xubnaha wadfiga ayaa ra’iisul wasaaaraha uga mahadceliyay soo dhawaynta ballaaran ee loo dalka loogu sameeyay, waxa uuna ku ammaanay hoggaanka dalka horumarka muuqda ee laga gaaray sugidda amniga iyo hanaanka siyaasadda dalka.

Amb. Mohamed Idriss Farah ayaa sheegay in u jeedada booqashadoodu ay tahay qiimaynta xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qorshaha kala guurka ah ee mas’uuliyadda amniga dalka si taxadar leh loogu wareejinayo ciidanka amniga Soomaaliya.

“Waxa aan uga mahadcelinayaa midawga Afrika garab istaaggooda joogtada ah ee ay ku taageerayaan Soomaaliya. Ciidamo isugu jira rag iyo haween ka socda midawga Afrika ayaa naftooda ku waayay halkaan iyaga oo Soomaaliya difaacaya. Dalalkiinna ayaa la idinku soo weearay hase yeeshee kama labalabanya in aad nasii taageertaan”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

- Advertisement -

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa wafdiga si qota dheer uga warbixiyay tubaha dawladda ee Soomaaliya u horseedaya nabad iyo barwaaqo, waxa uuna adkeeyay in si looga run sheego qaybta amniga iyo qorshaha kala guurka ay tahay muhiim tahay in wax badan la qabto.

Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa midawga Afrika ugu baaqay in beesha caalamka ay ku dhiirri geliyaan in Soomaaliya lagu taageero ka guul gaaridda hadafyada waawayn ee dalka u horseedaya nabad iyo Barwaaqo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts